Madaafiic lagu garaacay Villa Soomaaliya [Xafiisyada ay ku dhaceen]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal maanta oo Sabti ah ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaafiic oo daryenkooda laga maqlay qeybo kamid ah caasimada ayaa ku dhacay gudaha Madaxtooyada, sida ay sheegeen illo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in qaar kamida hoobiyeyaasha ay ku dhaceen Villa Hargeysa – hoolka shirarka ee gudoonka Gollaha Shacabka iyo Xafiisyo ay leeyihiin Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

"Madfaca ku dhacay xafiiska Villa Hargeysa waxa ka dhashay dab qabsaday gadiid ay leeyihiin gudoonka, balse waxaa lagu guuleystay in la damiyo," ayuu yiri qofka la hadlay GO oo sababo jira uga gaabsaday magaciisa.

Dhamaan xafiiska ay madaafiicdu ku dhaceen ayaa ku yaalla dhinaca xaafada 15-ka May ee degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

"Khasaaro nafeed ma jiro, inkasta oo mid maaliyadeed ay taagan tahay," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ma jiro mas'uul ka tirsan Villa Soomaaliya ama laamaha amaanka oo ka hadlay dhacdadaan, inkasta GO uu isku dayey in uu la xiriiro, balse ma aysan ka jawaabin.

Weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday Madaxtooyada ayaa imaanaya iyada oo maalin kahor uu caasimada ka dhaceen qaraxyo galaaftay nolasha in ka badan 30 ruux, xili dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Looga Soo Horjeedo Nidaamka Doorashada 2026

Kulamadaasi ayaa lagu wadaa inay noqdaan hordhac shir weynaha mucaaradka oo dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 12:32PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM