Madaafiic lagu garacaay xaafaddo ku dhaw Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro hoobiyeyaal ah ayaa kusoo dhacday xafaado ku dhow dhismaha Madaxtooyadda Soomaaliya ee magaaladda Muqdisho maanta oo Khamiis ah, sida laga soo xigtay illo wareedyo dhanka Booliska iyo dadka degaanka ah.

Inta la hubiyay illaa iyo haatan waxaa weerarkaan madaafiicda loo adeegsaday ku dhaawacantay Lix qof oo shacab ah, kuwaasoo ay ku jireen caruur iyo haween, inkasta oo aanan lasoo warin hadii ay jirto dhimasho uu sababay madfaca.

Goobjooge u waramay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in dadka dhaawacmay loola caray Isbitaal si xaaladooda caafimaad loola tacaalo, isagoo carabka ku dhuftay inay jireen kuwa ay xaaladooda liidato.

"Niyow xaafado ku yaala agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya, gaara ahaan xaafadaha jira dhanka degmada Wardhigleey waxaa ku habsaday Hoobiyayaal. 6 qof oo Rayid ah ayaa ku dhaawacmay. Dhimasho ma jirto," ayuu yiri Goobjoogaha.

Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online inay ku guda jireen baaris ku saabsan halka laga soo ganay Hoobiyeyaasha, isaga oo carabka ku dhuftay inay soo bandhigi doonan natiijadda baaristooda.

"Dhaawac ayuu khasaaraha ku kooban yahay. Ma hayno wax dhimasho ah. Baaris ayaa ku socota halka laga soo tuuray Madaafiicda, waana soo gudbin doonaa natiijada kasoo baxda," ayuu hadalkiisa kusii daray sarkaalka u waramaay Warsidaha GO.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaan madaafiicda loo adeegsaday, balse, kooxda xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacida ee fadhigeedu yahay dalka Suuriya ayaa horey u sheegay weeraro noocaan ah oo Madaxtooyadda lagu qaaday.

Amniga Villa Soomaaliya ayaa ah mudooyinkii dambe mid liita, oo ay hareeraheeda ka dhaceen qaraxyo baabuur loo adeegsaday, weerar toos ah iyo hoobiyaal dhowr jeer lagu soo tuurey saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM