Madaafiic lagu garaacay Villa Soomaaliya; AlShabaab oo sheegatay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoobiyeyaal tiradooda lagu sheegay illaa iyo saddex ayaa lagu waramayaa in lagu duqeeyay Arbacadda maanta ah agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegeysa in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay safaarada Itoobiya oo ku dhextaala Villa Soomaaliya gaar ahaan dhismaha ay degan tahay Wasaaradda Warfaafinta.

Madfaca labaad ayey saxaafaddu tabineysaa in uu ku dhacay xaafadda loo yaqaano Kaambada ku degan xarunta Taliska Booliska ciidamadda Soomaaliya ee loogu yeero Commando Policio.

Hoobiyeyaha saddexaad ayaa waxaa la warinayaa in uu ku dhacay xaafadda Cago dhiig oo ku teedsan Aqalka waddanka looga armiyo uuna ku yaala xafiiska madaxweynaha qaranka.

Khasaaro ayaa ka dhashay dhacdooyinkan, balse waxaa la sheegayaa dhimashada hal ruux oo ay waxyeelo kasoo gaartay madfaca ku habsaday xaafada Kaambada, wallow aanan la hubin.

"Khasaare kale oo dhaawac ah waa ay jiraan balse wali lama tirakoobin," sidaasi waxaa telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online sarkaal dhanka caafimaadka ah.

AlShabaab oo sheegatay mas'uuliyada falkan ayaa tilmaamtay in madaafiicdu ahaayeen shan "ayna ku dhaceen "bartilmaameedyadooda".

Bishii Maaj ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii shan madfac lagu garaacay Villa Soomaaliya, kuwaasi oo ku dhacay xafiisyo kala duwan, wallow khasaaruhu u badnaa mid maaliyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM