Madaafiic lagu garaacay Villa Soomaaliya; AlShabaab oo sheegatay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoobiyeyaal tiradooda lagu sheegay illaa iyo saddex ayaa lagu waramayaa in lagu duqeeyay Arbacadda maanta ah agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegeysa in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay safaarada Itoobiya oo ku dhextaala Villa Soomaaliya gaar ahaan dhismaha ay degan tahay Wasaaradda Warfaafinta.

Madfaca labaad ayey saxaafaddu tabineysaa in uu ku dhacay xaafadda loo yaqaano Kaambada ku degan xarunta Taliska Booliska ciidamadda Soomaaliya ee loogu yeero Commando Policio.

Hoobiyeyaha saddexaad ayaa waxaa la warinayaa in uu ku dhacay xaafadda Cago dhiig oo ku teedsan Aqalka waddanka looga armiyo uuna ku yaala xafiiska madaxweynaha qaranka.

Khasaaro ayaa ka dhashay dhacdooyinkan, balse waxaa la sheegayaa dhimashada hal ruux oo ay waxyeelo kasoo gaartay madfaca ku habsaday xaafada Kaambada, wallow aanan la hubin.

"Khasaare kale oo dhaawac ah waa ay jiraan balse wali lama tirakoobin," sidaasi waxaa telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online sarkaal dhanka caafimaadka ah.

AlShabaab oo sheegatay mas'uuliyada falkan ayaa tilmaamtay in madaafiicdu ahaayeen shan "ayna ku dhaceen "bartilmaameedyadooda".

Bishii Maaj ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii shan madfac lagu garaacay Villa Soomaaliya, kuwaasi oo ku dhacay xafiisyo kala duwan, wallow khasaaruhu u badnaa mid maaliyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM