Madaafiic lagu weeraray xero ay leeyihiin ciidamadda AMISOM

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Ku dhowaad tobban madfac ayaa lagu waramay in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhaceen qaybo kamid ah magaalada Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Fahfaahino horudhac ah oo laga helay dadka degaanka ayaa daaha ka rogaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen xaafadaha Buundweyn iyo Howladaag, halka kuwa kale ay ku habsadeen xeryaha ciidanka AMISOM.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ay hoobiyeyaal kale kaga jawaabeen weerarkaas.

Illaa iyo haatan lama ogga khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkaas madaafiicda loo adeegsaday oo aysan jirin koox sheegatay.

Ciidamadda AMISOM ee ku sugan Beledwayne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ayaa kasoo jeeda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Falalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Beledwayne uu ku sugan yahay madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, kaasoo dhowaan taageeray baaq kasoo baxay Aqalka Sarre oo la xiriira doorashooyinka 2020-21.

Tan iyo markii go'aankaas uu qaatay Waare, dowladda federaalka ah ayaa faragelin ku haysay gudaha maamulka, maadaama ay kasoo horjeedo go'aanka Senate-ka oo ku baaqay in ay shiraan dowlada iyo maamulada.

Xilli ay jirto halista Coronavirus, xukuumadda federaalka ayaa ka bilowday magaalooyin ay Beledwayne kamid tahay abaabulka banaanbaxyo, arrintaas oo madaxweyne Maxamed Waare uu amar ku bixiyey in la baajiyo.

Hogaanka Villa Soomaaliya oo ku fashilmay dhaqan-gelinta balankooda la dagaalanka Al-Shabaab, xasilooni siyaasadeed, wadashaqeynta maamulada iyo qabyo tirka dastuurka ayaa waxaa lagu dhaliilay awood sheegasho ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM