Madasha Badbaado Qaran oo warqad culus u dirtay AU

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Badbaado Qaran ayaa qoraal deg-deg ah waxay u dirtay Midowga Afrika gaar ahaan Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee ururkan ay ku mideysan yihiin dalalka qaarada Afrika.

Warqada oo ku taariikheysan 22-ka April isla markaana nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in Farmaajo uu wado "afgembi dastuur" una taagan yihiin sidii ay u baajin lahaayeen.

Farmaajo ayay tibaaxeen in uu halis ku yahay dedaaladda ay qeyb kamid ah bixineyso AU isla markaana ujeedkoodu yahay sidii Soomaaliya u noqon lahayd waddan xasiloon oo dowladnimadiisu ay meel sare gaarto.

"Madasha Badbaado Qaran waxay caddeyneysaa in xudunta khilaafka aanu ahayn doorasho kaliya balse waa suurtagalnimada in hal ciyaaryahan oo ku jira masraxa siyaasadeed ee Soomaaliya uu doonayo in uu hareer maro mabaadi'da dib-u-heshiisiinta, isu tanaasulka iyo wada-ogolka," ayaa la raaciyey qoraalkan luuqadda adag lagu qoray.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayay hoosta ka xariiqeen in uu yahay caqabada kaliya ee hortagaan qabsoomida doorashooyin daahfuran oo loowada dhan-yahay.

Midowga Afrika ayay ku tartarsiiyeen in ay qaadana talaabooyin deg-deg ah oo ay uga hortagayaan in ay "xaqiiqo isku bedelaan" qorsheyaasha Farmaajo ku fekerayo oo ay si dadban ugu qeexeen "kelitalisnimo".

Muddo kororsiga iyo talaabada Farmaajo ku saxiixay qaraarka Aqalka Hoose kasoo baxay ayay ku sifeeyeen mid aan dastuurka waafaqsaneyn, waxaana ay soo jeediyeen in Beesha Caalamka soo farageliso xalka.

"Saldhiga dhexdhexaadin kasta waa in uu noqdaa diidmada muddo kororsiga, ku noqoshada wadahadaladda iyo xal u helida arrimaha waaweyn," ayay raaciyeen ayagoo u muuqda mid qad casaan u xariiqaya AU-da.

Ugu dambeyntii, waxay caddeeyeen in dhankooda haddii ay yihiin Madasha Badbaado Qaran in ay diyaar u yihiin doorasho loo-dhan-yahay, hufan xalaalna ah "taasoo u wanaagsan guud ahaan dadka Soomaaliyeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM