Madasha Xisbiyadda Qaran oo taageertay go'aanadii shirka Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ka falcelisey go'aanadii kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay madasha isla markaana nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu caddeeyay mowqifkooda ku aadan shirka iyo war-murtiyeedkii kasoo baxay.

Bayaanka ayay sheegeen in ay soo dhaweynayaan, si gaar ah qodobka ku saabsan ilaalinta dastuurka dalka iyo xoojinta midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxay taageero weyn u muujiyeen qodobka kale ee ku saabsan in doorashooyinka dalka ee sanadka dambe ay waqtigooda ku dhacaan, iyaddoo aysan jirin waqti ku darsi.

Si lamid ah, waxay bogaadiyeen gogashii uu shirweynuhu ku baaqay in ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed ee dalka si looga arrin-sado xaaladaha cakiran ee taagan.

Dhanka kale, hogaanka Villa Soomaaliya ayay ku booriyeen in ay dhageystaan dedaalada xalka loogu raadinayo "siyaasadda cakiran" iyo baaqyadda ka imaanaya maamul goboleedyadda.

"Ugu dambeyntii, madashu waxay u rajeyneysaa hoggaanka Puntland iyo bulshadeeda barwaaqo iyo baraare," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 18-ka bishaan Maaj, sanadka 2020.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM