Madax ka qaybgashay Aas Qaran oo loo sameeyay Injineer Yariisow

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Meydka gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaanna duqa Muqdisho ayaa waxaa saaka oo Axad ah laga dejiyay magaaladda caasimad u ah wadanka Soomaaliya.

Madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweyne Farmaajo, ra'iisul wasaare Khayre, gudoomiyeyaasha labada Aqal iyo xubno kale ayaa Salaada Sanaasada ku tukaday marxuumka.

Aaska Qaran ee loo sameeyay Eng Yariisow ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa xubno kamid ah qoyskiisa oo qaarkood ka yimid dibadda gaar ahaan dalka Ingiriiska.

Madaxweyneyaasha maamuladda Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa sidoo kale kasoo muuqday baroor-diiqda oo socon doonta saddex maalmood ee soo aadan xili calanka hoos loo dhigay.

Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Injineer Yariisow] ayaa wuxuu kamid ahaa tobanaanka qof ee ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ee xarunta Dowladda Hoose 24-kii July.

Injineerka oo dhaawac ahaan loogu duuliyay dalka Qadar kadib markii uu u baahdey baxbaano dheeraad ah ayaa waxaa khamiistii lasoo wariyay in uu u geeriyooday dhaawacaasi.

Laamaha ammaanka Soomaaliya oo warbixinta laga dhowr-sugayo ayaa waxay baaritaano kuwadaan qaabka uu u dhacay weerarka lagu dilay Yariisow iyo cidda fududeysay.

Xarunta gobolka Banaadir ayaa kamid ah meelaha ammaankooda aadka loo adkeeyo ee Dowladda Soomaaliya, iyadda oo ay soo baxayaan tuhuno kala duwan oo la muujinayo.

Macluumaadyo horudhac ah oo la dusiyey ayaa tibaaxaya in haweenay aragga la' oo kamid ah shaqaalaha xafiiska Yariisow ay is-qarxisay xili uu  socdo shir looga hadlayay ammaanka.

MUUQAALKA AASKA

<iframe width="560" height="315" src="https://www.youtube.com/embed/9csSlXEIrO8" frameborder="0" allow="accelerometer; autoplay; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture" allowfullscreen></iframe>

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM