Madax ka qeybgashay salaada janaasada Xasan Abshir Faarax

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madax kala duwan ayaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxay kaga qeybgashay salaada janaasada marxuum Xasan Abshir Faarax, ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha dalka, guddoonka labada aqal, hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran, ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda iyo mas'uuliyiin kale ayaa kasoo muuqatay.

Ka qeybgalayaasha salaada janaasada ayaa u duceeyay marxuumka, iyagoo u rajeeyay naxariista EBBE, in uu ka waraabiyo janatul firdowsa iyo in uu u fududeeyo su'aash qabriga una waasiciyo.

Sidoo kale, waxay mar kale tacsi tiiraanyo leh ay u direen qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabtiisa, iyagoo u rajeeyay bedel aad u wanaagsan.

Marxuumka oo meydkiisa laga keenay dalka Turkiga halkaasoo uu ku geeriyooday kadib xanuun muddo laga daaweynaayey ayaa la filayaa in Aas Qaran loogu sameeyo caasimadda Puntland.

Dowladda Puntland oo guddi gaar ah u saartay duugta marxuumka ayaa calanka hoos u dhigtay saddex maalmood si loogu baroor-diiqo marxuumka.

Xasan Abshir Faarax oo ku dhintay da'da 75-sano jir ayaa soo noqdey duqa Muqdisho, waqtigii dowladii kacaanka, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, xildhibaan baarlamaan iyora'iisul wasaaraha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM