Madaxda DF oo looga digay in ay kala qeybiyaan gudoonka Aqalka Sarre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Go'aanka Aqalka Sarre ee ku aadan in dowladda, maamulada iyo saamileyda siyaasadda ay ka tashadaan doorashooyinka 2020-21 waa talaabo sax ah, sidda uu shaaciyey Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey gudoonka Senate-ka talaabadaas, wallow uu xusay in ay jirto baahi intaas ka badan.

Madaxda dowladda federaalka ah ayuu cod dheer uga digay in ay farageliyaan go'aanka Aqalka Sarre isla markaan kala qebiyaan guddoonka.

Guddoonka Golaha Shacabka ayuu ku tartarsiiyey in ay hadlaan oo ay soo bandhigaan oraahdooda ku saabsan doorashooyinka soo aadan.

"Sidda aan naqiinay, waxaan ka digeynaa in Aqalkaas inta la dhexgalo leys qabad-siiyo, leyska horkeeno, balaayo laga shaqeeyo, sidduu ku dumi lahaa asaga in laga shaqeeyo, marar badan oo horey, wixii aan soo aragnay, waa ka digeynaa, sideeba asal uma fiiicneyn, waqtigeena lama joogo," ayuu xusay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu si gaar ah ugu waaniyey "in ay ka dhex-baxaan hay'addaha sharci-dejinta, yaaney ku dhex-rafan, yaaney balaayadeeda ka shaqeyn, farahooda, saantooda iyo raadkooda yaan lagu dhex-arkin".

Madasha Xisbiyadda Qaran ayuu si cad kaga dhawaajiyey in ay ku garab taagan tahay gudoonka Aqalka Sarre talaabadda uu qaadey.

Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay gudoonka Aqalka Hoose, iyagoo kawada hadlay arrimo ku saabsan doorashada. Wararka waxay sheegayaan in leysla soo qaadan ay la kulmaan Farmaajo.

"Habaar dhamaantiisa dhamaa u weynaa la tiri, duco dhamaanteedna dhurow, warkoo dhan wuxuu kusoo koob-mayaa war maanta meesha aan joogno iyo xaaladeyna waxay ku sugan tahay waxaa naga bixiya oo kaliya waa wadatashi, wadahadal," ayuu saxaafada u sheegay kulanka kadib.

Habka loo marayo doorashooyinka 2020-21 ayuu caddeeyay in ay doonayaan in uu noqdo mid leysla ogol-yahay oo aysan koox gaar ah wadan.

Farmaajo ayuu cod dheer ku xasuusiyey "in uu waqtiga ka dhamaanayo" isla markaana talaabo kasta uu qaado ay leedahay "cawaaqib". Sidoo kale, wuxuu ku booriyey in uu si deg-deg ah ku shaaciyo mowqifkiisa coddeynta.

"Arrinta doorashada waa arrin wali taagan; waa gacan calool ku jirta lamana yaqaano waxa kasoo bixi, illaa iyo hadda," ayuu xusay.

Aqalka Sarre ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu yeeray madaxda dowladda, maamuladda iyo daneeyeyaasha siyaasafda in ay kulmaan kahor 25-ka bishaan June "si loo helo nidaam doorasho oo la isla ogol-yahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM