Villa Somalia oo wali ka aamusan jahwareerka Doorashada KG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaanan ka hadlin eedaymaha culus ee loo jeedinayo, kuwaasi oo ku aadan faragelinta doorashada madaxtinimo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo shalay dib loo dhigay.

Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay hogaaminayaan Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa oo dhamaantood is-casilay ayaa ku eedeeyay dowlada dhexe inay gacmaha lasoo gashay arrimaha doorashada maamulkaasi.

Xilldhibaano ka tirsan labadda aqal ee Federaalka iyo midka Koonfur Galbeed ayaa si wadajir ah ugu dhaleeceeyay kaalinteeda aan wanaagsanayn ee doorashada, iyadoo taageero siinaysa musharaxiinta qaar, si ay ugu takhalusto Shariif Xasan.

Qaar kamida murashaxiinta u taagan doorashadda sida Shariif Xasan ayaa si lamid ah Villa Somalia dusha u saaray mas'uuliyadda ciwaaqib xumo kasta oo ka dhasha muranka doorashada, maadaama Baydhabo ay geysay musharixiin hubeysan.

Gollaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada ayaa ku dhaliilay dowladda inay dhaqaalo ku bixineysa faragelinta doorashooyinka gobolada iyadda oo dooneysa inay meesha ka saarto Madaxwane-yaasha hadda jira ee khilaafka uu kala dhaxeeya.

Waxay sheegeen Madaxda Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed in dowladda Federaalka ay ku dhawaad 80 Xildhibaan ay kasoo qaadey Baydhabo, kadibna ay geysay Muqdisho si ay u laaluushto, oo codadka u siiyaan musharaxa dowladda.

Dhamaan eedaymahaan dhawaqa culus ku socda, oo keenay inay maamulada xiriirka u gooyaan maamulka Madaxwayne Farmaajo, iyadoo dowladda marnaba jawaab waafi ah ka bixin tabashooyinka dowlad goboleedyada iyo eedeymaha loo jeediyay.

Balse, wasaaradda arrimaha gudaha dowlada Federaalka ayaa soo saartay war-saxaafadeed kaasi oo ay ku sheegtau inaanu dib udhac ku imaan Karin doorashada Koonfur Galbeed, oo mugdi uu haatan ku jiro.

Ma cadda sababta ay dowladdu usoo hadal-qaadi la'dahay faragelinta lagu eedaynayo, inkastoo dadka indha-indheeya siyaasada Soomaaliya ay sheegayaan inay tahay wax aanan daah-saarneen kaalinteeda doorashooyinka maamulada si gaar ah dowlada gobolkeedka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM