Madaxda Galmudug oo Gaalkacyo kula kulmaya Haysom

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Waxaa maanta gaarey koonfurta Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, oo ay wehlinayaan madaxa xukuumadda maamulkiisa, Sheekh Maxamed Shaakir, Wasiirro iyo Xildhibaanno.

Wafdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u qaabisan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada saacadaha soo aadan.

Haysom ayaa halkaasi kulamo kula leh madaxda dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] iyo madaxa xukuumadda, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa mar sii horeysay oo maanta oo Axad ah waxay gaareen Galkacayo, halkaasi oo iska xaadiriyeen iyaga oo u diyaar-garoobaya kulan xasaasi ah oo ay wakiilka UN-ka la qaataan.

Sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, kulanka ayaa lagu gorfaynayaan muranka siyaasadeed maamulkaan ragaadiyay, midka dowlada dhexe ee dowladaha xubnaha ka ah iyo arrimo kale.

Socdaalka wakiilka Qaramada Midoobay oo noqonaya markii ugu horeysay oo uu ku tago Galkacayo ayaa qayb ka ah safaro uu mudooyinkii dambe ku bixinayey caasimada dowlad goboleedyada si uu uga soo hadlo khilaafka taagan.

Amniga magaalada oo mudooyinkii dambe xumaa ayna ka dhacayeen dilal qorsheysan ayaa si wayn loo adkeeyay xili dhamaan wadooyinka soo gala meesha uu kulanku ka dhacayo loo daabulay ciidamo dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM