Madaxda Galmudug oo Gaalkacyo kula kulmaya Haysom

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Waxaa maanta gaarey koonfurta Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, oo ay wehlinayaan madaxa xukuumadda maamulkiisa, Sheekh Maxamed Shaakir, Wasiirro iyo Xildhibaanno.

Wafdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u qaabisan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada saacadaha soo aadan.

Haysom ayaa halkaasi kulamo kula leh madaxda dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] iyo madaxa xukuumadda, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa mar sii horeysay oo maanta oo Axad ah waxay gaareen Galkacayo, halkaasi oo iska xaadiriyeen iyaga oo u diyaar-garoobaya kulan xasaasi ah oo ay wakiilka UN-ka la qaataan.

Sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, kulanka ayaa lagu gorfaynayaan muranka siyaasadeed maamulkaan ragaadiyay, midka dowlada dhexe ee dowladaha xubnaha ka ah iyo arrimo kale.

Socdaalka wakiilka Qaramada Midoobay oo noqonaya markii ugu horeysay oo uu ku tago Galkacayo ayaa qayb ka ah safaro uu mudooyinkii dambe ku bixinayey caasimada dowlad goboleedyada si uu uga soo hadlo khilaafka taagan.

Amniga magaalada oo mudooyinkii dambe xumaa ayna ka dhacayeen dilal qorsheysan ayaa si wayn loo adkeeyay xili dhamaan wadooyinka soo gala meesha uu kulanku ka dhacayo loo daabulay ciidamo dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM