Madaxda Somalia, Eritrea iyo Ethiopia oo go'aano kasoo saarey Shirka Bahar Dar

Image

BAHAR DAR - Hogaamiye-yaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa soo dhaweeyay tallaabada Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta looga qaadayo dalka Eritrea.

Diblomaasiyiin ayaa sheegay in todobaadkii tagey in Gollaha Amaanka ay diyaarinayaan qaraar cusub oo lagu soo afjarayo xayiraadaha lagu soo rogay dalkan ku yaalla Geeska Africa 2009.

Qorshahan oo sugaya inay 15-ka dowladooda ee Gollaha Amaanka ansixiyaan ayaa waxuu ka dambeeyay markii dowladda Mareykanka ay bedeshay mowqifkeeda ku aadan Eritrea, kadib markii ay heshiis nabadeed la gashay Itoobiya.

Dowladda Ingiriiska ayaa qaraarka cunaqabateynta looga qaadayo Eritrea ayaa u qeybisay Gollaha Amaanka.

Eritrea ayaa saaran xayiraado kala duwan, oo kuwa hubka, dhaqaalaha iyo safarada ay kamid yihiin, iyadoo sababta cunaqabateyntan loo saarey dalka ay ahayd taageeradii uu siiyay Al-Shabaab xilligii ciidamada Itoobiye ku duuleen Soomaaliya 2006.

Gollaha Amaanka ayaa la filayaa inay u codeeyaan qaraarka November 14.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in qaadista cunaqaaabateynta Eritrea ay kaalin ka qaadanaysa nabada, horumarka iyo iskaashiga ka socda gobolka.

Saddexda hogaamiye ee Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa shir saddex geesood ah uga furmay maanta magaalada Bahar Dar kaasi oo ay uga hadlayaan heshiiskii iskaashiga dhaqaalaha ay ku saxiixdeen sanadkan magaalada Asmara.

Hogaamiye-yaasha ku shiraya Bahar Dar ayaa dib u eegis ku sameynaya waxyaabihii ka hirgelay heshiiska tan iyo markii la saxiixay, waxaana ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka cusub ee u curtay dalalkan, ka heshiiyay colaadihii hore.

Waxay madaxda Eritrea iyo Itoobiya ayaa ka hadlay ahmiyadda in la ilaaliyo madax-banaanida dhuleed iyo midda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sidoo kale in la taageero shacabka Soomaaliya iyo dib u dhiska hay'adaha dowladda.

Farmaajo, Abiy Axmed iyo Afwerki ayaa isku raacay in shirka xiga ay ku qabtaan magaalada Muqdisho, iyadoo aan la shaacin waqtiga uu qabsoomayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM