Madaxda Soomaaliya oo loosoo jeediyey qorshe ku aadan doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Caalamiga ah ee Xasaradaha Aduunyadda, ICG, ayaa warbixin waxay kasoo saartay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka dambe iyo saameynta safmarka Coronavirus.

Cudurka Covid-19 ayay ka dhawaajisay in uu halis geliyey qabsoomida coddeynta la qorsheeyay in ay dhacdo sanadka soo aadan.

ICG oo fadhigeedu yahay Brussels ayaa ka digtay rabashado ka dhasha geedi-u-socodka loo marayo doorashooyinka 2020-21.

Hogaamiyeyaasha talada u haya Soomaalida – dowladda federaalka ah iyo maamuladda – ayay u soo bandhigtay qorshe xal ah oo looga baaqsan karo in doorashooyinka ay dib-u-dhac ku yimaadaan.

Qorshahaas ayay hoosta ka xariiqdey in uu yahay miiska wadahadalka oo ay isugu yimaadaan si heshiis mideysan looga gaaro doorashada.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey in ka badan 900 xaaladood oo ah safmarka Coronavirus, waxaana muuqata in ay ku dhow dahay kun.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka digay in baajiyo coddeynta oo qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, hadana waxaa la gelinayaa calaamad su'aal, iyaddoo la cuskanayo "diyaar-garow la'aan".

Mudadii dowladda madaxweyne Farmaajo haysay taladda Soomaaliya waxaa lasoo wariyey in uu meeshii ugu hooseeyay gaarey xiriirka kala dhaxeeya qaar kamid ah maamuladda iyo siyaasiyiinta, taas oo tuhun abuurtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM