Madaxii Canshuuraha Dekadda Muqdisho iyo madax kale oo xukun lagu riday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukunno kala duwan ku riday dhowr Mas'uul oo katirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii lagu helay musuq-maasuq iyo lunsashada hantida dadweynaha.

Madaxii waaxda Canshuuraha Dekadda Muqdisho, Axmed Cabdullaahi Samow iyo afar shaqaale oo xafiiskiisa katirsanaa, oo uu ku jiro Sarkaal Boolis ayaa waxay Maxkamadda ku xukuntay mid saddex sano oo xabis ah.

Samow oo isku beel kasoo jeedaan Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa qeyb ka ahaa kooxdii Ololihii dooarashada Farmaajo 2017, waxaana lagu helay inuu lusadey lacago badan si musuq-maasuq ah, taasoo baaritaan kadib xabsiga loo dhigay.

Axmed Cabdullaahi Samow

Ganacsade kiiska musuq-maasuqa isna ku lug leeshay ayaa lagu riday xukun labo sano oo xabsi ah, oo ay u dheertahay ganaax lacageed oogaaraya $8,200 [Sideed kun iyo Labo oo Dollar].

Maxkamadda ayaa amartay in lasii daayo labo xubnood oo kale oo ay ka mid tahay ku xigeenkii waaxda canshuuraha dekedda Muqdisho Nadar Tabax Maalin, kadib markii lagu waayay wax dembi ah.

Waxaa sidoo kale isna Maxkamadda gobolka Banaadir 3 sano ku xukuntay Cabdishakuur Aadan Maxamuud, oo ahaa Isku-duwaha Waaxda qandaraasyadda Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, kaasi oo lagu helay demi ah inuu musuq-maasuqay hantiyadeed.

Mas'uulkan ayaa lusaday lacago fara badan oo loogu tala-galay in lagu fuliyo mashruuc dalka muhiim u ahaa oo uu maalgelinayay Bangiga Horumarinta Islaamka oo loogu magac-darey mashruuca horumarinta dhulka qallalan [Dryland development project].

Maxamed Cumar iyo Daahir Maxamed Nuur, oo ah labo sarkaal oo u shaqeynayay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lala xukumay Cabdishakuur, waxaana ku dhacay xukun 3 sano iyo 6 bilood oo xabsi ah.

Mas'uuliyiintan la xukumay ayaa qeyb ka ah shaqsiyaad dhowr ah oo kamid ah dowladda oo loo xiray musuq-maasuq iyo wax isdaba-marin, iyadoo ay jiraan wasiir ku xigeenno shaqo-joojin lagu sameeyay oo baaritaan ku socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM