Villa Soomaaliya oo sameysay saadaalin la xiriirta Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay sameysay odoros la xiriira dhimashadda fayruska Corona uu ka sababi karo gudaha waddankeena.

Isagoo soo xiganaya CIA World Factbook, Nuur Diiriye Xirsi [Fuursade], agaasimaha guud ee madaxtooyadda, ayaa sheegay in sanadkii ay Muqdisho si caadi ah ugu dhimato 13 qof.

"Qiyaastaa waa marka laga reebo tirada dhimashadda ee ka dhalata qaraxyadda, musiibooyinka cudurada lama filaanka ah sidda Covid-19," ayuu Fuursade ku yiri qoraal.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa warisay in tirada geerida illaa iyo haatan la diiwaan-geliyey in ay ka dhalatay Coronavirus ay tahay 14, oo lix kamid ah ay shalay geeriyootay.

"Hadii Muqdisho ay ka dhacdo maalintii geeri ka badan qiyaas ahaan 70 marxuum, waxaa kororka lala xiriirin karaa cudurka Covid-19," ayuu hadalkiisa kusii daray agaasimaha.

Saadaalintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan warar sheegaya in tirada dhimashada ee caasimadda ay korortay bilooyinkii lasoo dhaafay lana xiriiriyey fayruska safmarka ah.

Tiradda kiisaska Corona ee guud ahaan waddanka ayaa haatan mareysa 186, waxaana laga cabsi qabaa in ay aad u kororto, maadaama uu xanuunka uu si aayar ah ugu faafay caasimada.

QORAALKA FUURSADE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM