Madaxweynaha HirShabelle iyo safiirka Qadar oo ku kulmay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabelle iyo safiirka Qadar u fadhiya Muqdisho ayaa Axada maanta ah waxay kulan ku yeesheen magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Waare oo lasoo dhigay barta Facebook ayaa lagu fahfaahiyey qodobadda ay dhinacyadda diiradda ku saareen wadahadaladooda gooniga ahaa.

"Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa hoyga uu ka degenyahay magaalada muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar Ee Soomaaliya Ambassador Hasan Bin Xamza Asad Maxamed waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Deegaannada Hirshabelle, iyo Dar Dargalinta Mashruuca Dhismaha Wadada Jowhar iyo Muqdisho oo ay maalgalineyso Dowladda Qadar," ayaa lagu yiri.

Waxaa la raaciyey: "Safiirka ayaa Madaxweynaha Faah Faahin ka siiyay Fulinta dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo jowhar oo ay dhiseyso shirkad Laga Leeyahay dalka Turkiga, waxaana uu sheegay in ay ka go'antahay Dar dargalinta Mashruucaasi, waxaana madaxweynaha Dowladda Qadar uu kaga mahadceliyay mashaariicda ay ka wadaan dalka oo ay qeyb ka tahay Mashruuca jidadka Muqdisho iyo Afgooye, iyo Kan Muqdisho iyo Jowhar".

"Sidoo kale Inta Kulanka uu socday Waxa ay si qoto dheer kaga wada hadleen Fursadaha Maalgashi ee Hirshabelle kaga jira, iyadoo safiirka uu sheegay in dhowaan ay ka fulinayaan Mashaariic Horumarineed ayna diyaar u yihiin in ay ka faa'ideystaan Fursadaha Maalgasho Ee Hirshabell3 maadaama Hirshabelle Ay tahay dhul qani ah oo uu eebe ku maneystay Kheyraadka dhinac kasta ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan kulankaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka safaaradda xukuumadda Dooxa ku leedahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Tan iyo markii baarlamaanka uu kalsoonida kala noqdey xukuumadda Xasan Cali Khayre, Muqdisho waxaa la socday kulamo daaran siyaasada dalka iyo cidda noqoneysa ra'iisul wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM