Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay odayaasha dhaqanka Dhoobley

Image
Image
Image
Image
Image

DHOOBLEY, Jubaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan oo ka dhacay beerta Nabada ee Magaalada Dhoobley ayaa waxaa Madaxweynahu uu Odayaasha dhaqanka ka dhagaystay aragtiyadooda la xiriirta sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Bulshada iyo Dowlada iyadoo Odayaashu ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen dadaalka Dowlada ee Howlgalada dib u xoraynta ah ee Gobolka ka socda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismahii Jubbaland iyo bilowgii dagaalkii Al-Shabaab lagaga saaray qaybo badan oo Jubbaland kamid ah ay udub dhexaad u ahayeen Odayaasha dhaqanka isla markana ay wax badan oo wanaagsan usoo qabteen deegaanka.

Waxaa Madaxweynahu u sheegay in mar walba loo baahan yahay doorkooda nabadaynta iyo isku haynta Bulshada ah taas oo dadka Soomaaliyeed ay caan ku yihiin.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM