Deni iyo Axmed Madoobe oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyneyaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Axmed Maxamed Islaam [Madoobe], ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Filish, wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta madaxdan siyaabo kala duwan uga soo degtay madaarka Aadan Cadde.

Deni iyo Axmed Madoobe awaxay ka qeybgeli doonan wadahadalo ku saabsan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 kuwaasoo ay la yeelanayaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Amniga caasimada ayaa sarre loo qaadey, iyaddoo la xiray qaar kamid ah waddooyinka soo gala magaala madaxda kuwaasoo la dhigay ciidamo u diidaya gaadiidka dadweynaha u diidaya in ay adeegsadaan.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay  Garowe Online in xiritaanka jidadka aysan codsan madaxda Jubaland iyo Puntland isla markaana uu yahay go'aan iskooda ay qaateen taliyeyaasha ciidanka.

Xogta ayaa muujineysa in qorshaha xiritaanka jidadka Muqdisho uu yahay mid ay madaxda dowlada federaalka dooneyso in ay sawir xun ugu yeesho madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland.

Shaqsiyaadka baraha bulshada caanka ah ee kamid ah kooxda ay laaluushka siiso Villa Soomaaliya ayaa faafinaya warar been abuur ah oo lagu jahwareerinayo dadweynaha ku aadan xiritaanka waddooyinka.

Deni ayaa booqashadiisa Muqdisho waxay u noqoneysaa socdaalkiisii ugu horeeyay tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Puntland. Madaxda dowlada federaalka ayaa ka cagajiidey safaro uu horey ugu tagi lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM