Madaxweynaha Somalia oo gaarey Itoobiya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

GONDAR, Itoobiya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Jimco ah gaarey Itoobiya, kadib markii uu casuumaad ka hely Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi, Abiy Axmed.

Farmaajo ayaa waxa uu ka degay garoonka diyaaradaha Atse Tewodros oo ku yaalla magaalada Gondar, oo katirsan gobolka Amhara halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay Abiy Axmed iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda Itoobiya katirsan.

Ujeedka Farmaajo uu u tagey Gondar ayaa ah inuu ka qeyb-galo shir saddex geesood ah, oo halkaasi uga furmaya Madaxda dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya kaasoo diirada lagu saari doono heshiiskii is-dhexgalka dhaqaalaha ay ku gaareen Asmara September 2018.

Waxay mas'uuliyiinta dalalkan si wadajir ah u booqan doonaan goobo ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo magaalada Gondar iyo degaanno kale oo gobolka Amhara katirsan.

Tan iyo markii Abiy Axmed loo doortay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya April 2018, waxaa jiray isku soo dhawaansho dalalka gobolk Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, iyagoo ka heshiiyay khilaafkii u dhaxeeyay.

Itoobiya oo shacabkeeda lagu qiyaasay boqol milyan [100 million] ayaanan lahayn wax dekad ah, waxaana ay isha ku haysaa dekadaha waaweyn ee Soomaaliya iyo Eritrea oo ay doonayso inay u isticmaasho qaab ganacsi iyo mid militry, iyadoo xitaa dhisanaysa ciidan badeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa June 2018 booqasho saacado qaadatey ku tagey Muqdisho, isagoo Farmaajo lasoo saxiixday heshiis is-afgarad ah oo u ogolaanaya Itoobiya inay maal-gashi ku sameyso afar dekadood oo ku yaalla Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM