Madaxweynaha xilka ka degaya Farmaajo oo ku wajahan Uganda

Image

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wajahan caasimadda waddanka Uganda ee Kampala, sida ay wararku sheegayaan.

Sida uu daabacay bogga ChimpReports, Farmaajo oo wajahaya olole xooggan oo la doonayo in looga bedelo kursiga ugu sareeya dalka, ayaa ka qeybgalaya caleema-saarka Yoweri Kaguta Museveni.

Lindah Nabusayi, afhayeenka Madaxtooyadda Uganda oo lagu soo xigtay warbixinta mareegga, ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu kamid yahay hogaamiyeyaasha dalalka lagu martiqaadey caleema-saarka.

Nabusayi ayaa daaa ka rogay in Farmaajo uu ku jiro liiska madaxwayneyaasha la filayo in ay gaaraan magaala madaxda Uganda ee Kampala Talaadada todobaadkan oo taariikhdu tahay 12-ka bisha May.

Dhanka kale, ma jiro wa xaqiijin ah oo illaa haatan laga hayo Villa Soomaaliya. Isku dayo warsidaha Garowe Online uu doonayay in uu ku haleelo xiriirka xafiiska Farmaajo ayaanan guuleysan.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Maxsuulkaas ayaa ka dhigan in Museveni uu markii lixaad oo xiriir ah uu ku guuleystay doorashooyinka. 76-sano jirkan xukunka haysta tan iyo 1986-dii wuxuu sheegay in uu tusaale u yahay xasiloonida dalkiisa.

Tan iyo markii la doortey Febraayo, 2021, Farmaajo ayaa si weyn ugu dhowaa hogaamiyeyaal uu ku jiro Museveni taasoo uu ku muteystay eedeymo ku aadan in uu ku fekerayo qorshe uu xilka isugu kooleynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM