Madaxweynaha xilka ka degaya Farmaajo oo ku wajahan Uganda

Image

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wajahan caasimadda waddanka Uganda ee Kampala, sida ay wararku sheegayaan.

Sida uu daabacay bogga ChimpReports, Farmaajo oo wajahaya olole xooggan oo la doonayo in looga bedelo kursiga ugu sareeya dalka, ayaa ka qeybgalaya caleema-saarka Yoweri Kaguta Museveni.

Lindah Nabusayi, afhayeenka Madaxtooyadda Uganda oo lagu soo xigtay warbixinta mareegga, ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu kamid yahay hogaamiyeyaasha dalalka lagu martiqaadey caleema-saarka.

Nabusayi ayaa daaa ka rogay in Farmaajo uu ku jiro liiska madaxwayneyaasha la filayo in ay gaaraan magaala madaxda Uganda ee Kampala Talaadada todobaadkan oo taariikhdu tahay 12-ka bisha May.

Dhanka kale, ma jiro wa xaqiijin ah oo illaa haatan laga hayo Villa Soomaaliya. Isku dayo warsidaha Garowe Online uu doonayay in uu ku haleelo xiriirka xafiiska Farmaajo ayaanan guuleysan.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Maxsuulkaas ayaa ka dhigan in Museveni uu markii lixaad oo xiriir ah uu ku guuleystay doorashooyinka. 76-sano jirkan xukunka haysta tan iyo 1986-dii wuxuu sheegay in uu tusaale u yahay xasiloonida dalkiisa.

Tan iyo markii la doortey Febraayo, 2021, Farmaajo ayaa si weyn ugu dhowaa hogaamiyeyaal uu ku jiro Museveni taasoo uu ku muteystay eedeymo ku aadan in uu ku fekerayo qorshe uu xilka isugu kooleynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM