Madaxweyne fariin hambalyo ah u diray dhakhtar u afduuban Al-Shabaab

Image

HAVANA, Cuba – Madaxweynaha waddanka Cuba, Miguel Díaz-Canel, ayaa hambalyo u diray Assel Herrera Correa, oo kamid ah laba dhakhtar oo muddo hal sano ka badan u afduuban falaagadda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Díaz-Canel ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuu howlwadeenkan caafimaad ugu hambaleeyay dhalashadiisa.

Dabley ka tirsan xoogaga gacansaarka al leh Al-Qaacida ayaa kasoo qafaalatay gobolka waqooyi barri Kenya sanadka markii uu ahaa 2019-kii.

Hogaamiyahaan oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dhawaajiyey in uu la xiriiray qoyska dhakhatarka una xaqiijiyey in dowladiisa ay si buuxda u taageereyso.

"Maanta waa dhalashada dhakhtarka reer Cuba, Assel Herrera Correa, kaasoo si nasiib darro ah wali u afduuban. Waxaan telefoonka kula hadlay hooyadiis iyo walaalkiisa. Waxaan u xaqiijiyey taageeradeena iyo dareenkeena," ayuu bartiisa gaarka ah ee xiriirka dadweynaha kusoo qoray maalintii shalay ahayd.

Dowladaha Cuba iyo Kenya ayaa kawada shaqeynaya sidii ay xorriyadooda dib ugu heli lahaayeen iyagoo nabad ah labadaas dhakhtar, Mr Correa oo daaweynta guud qaabilsan iyo Landy Rodríguez Hernández oo qaliinka u gaara.

Aroornimadii April 12-keeda, 2019 ayay wateen dableyda iyagoo kusii jeeda xaruntii ay ka howlgaleen oo ku taala ismaamulka Mandera.

Warbixino dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in labadooda ay caafimaad qabaan isla markaana lagu hayo degaano kamid ah koonfurta Soomaaliya.

Madaxda Soomaaliya, Kenya iyo Cuba ayaa horey uga wadahadlay sidii loosoo badbaadin lahaa dhakhaatiirta si ay dib ula midoobaan qoyskooda.

Bishii April ee sanadkan 2020 isagoo ka hadlayey hal sano guuradii kasoo wareegatay falkaan afduubka ah, madaxweyne Díaz-Canel ayaa wuxuu meesha ka saarey in ay bixinayaan magdhow ayna si nabad ah kusoo furan doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM