Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqdey kulanka Qaramada Midoobey [ Sabab]

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha dowlada Federalaka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu ka baaqdo kulanka 73aad ee golaha guud Qaramada Midoobey kaasoo si rasmiya uga furmaya 25 September,2018 magaalada New York.

Qoraal lagu daabacey barta Twitter Wasaarda arimaha dibada dowlada Federaalka ah ayaa lagu sheegtey in Wasiir Axmad Cawad hogaamin doono wafdi u ambabaxaya magalada New York isagoo halkaas ka jeedin doona khudbad uu ku matalayo Madaxweyne Farmaajo.

Lama oga sababta baqashada safarka Madaxweynaha balse waxay ku Soo beegmeysaa xilii magalada Muqdisho ka jiraan xaalado siyasadeed iyo kuwo amni kuwasoo sababi kara inuusan Farmaajo aadin New York.

Qoraal saaka goor hore kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegey inuu kulan deg deg ah isugu yeerey madaxda Galmudug xilli weli taagan yahay khilaafkii u dhexeeyey maamulada Soomaalida iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dhinca kale xildhibaano ka tirsan aqalka wakiilada Soomaaliya ayaa xereeyey mooshin ay ku dalbanayaan in RW Khayre horyimado golaha si wax looga weeydiiyo arimaha amniga ee lagu eedeynayo in xukuumadiisu ku fashilantey.

RW Khayre iyo Madaxweyne Famemaajo oo kaashanaya Gudoomiyaha Barlamanka ayaa ka shaqeynaya sidii dalabka Xildhibanada loo baajin lahaa iyadoo lagu badalayo in guddiga amniga wareysi ugu tagaan wasiirka Kowaad kadib warbixin dib ugu soo celiyaan warbixin golaha.

Magalada Muqdisho ayaa maalintii shalay waxaa lagu diley gabar ardeyad ah oo la sheegey iney ka tirsaneyd si qaraoodi ah hay’adda sirdoonka Soomaaliya taas oo kooxaha argagixisada ah heleen xog la xiriirta shaqadeeda.

NiSA ayaa lagu eedeeyey iney dhexgaleen maamulkeeda kooxaha argagixisada ah kuwasoo ka haya xilal kala duwan hay’adaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM