Madaxweyne ku xigeenka Indonesia oo duray kalluumeysatada Soomaaliya

Image

JAKARTA, Indonesia – Talaabo naadir ah, madaxweyne ku xigeenka Indonesia, ayaa si aan gambasho lahayn, wuxuu weerar afka ah ugu qaaday kalluumeysatadda Soomaaliya.

Jusuf Kalla [JK] ayaa mar uu Talaadadii warbaahinta la hadlayey waxa uu carabka ku dhuftay in kalluumeysatadda Soomaaliya ay yihiin kuwa aalaaba ku dhex nool "xaalado carro ah".

JK oo sharaxay sababta ayaa tilmaamay in aysan ka faa'ideysan kheyraadkooda ay qaataan dhigooda shisheeyaha, taasi oo uu xusay in ay dhex-dhalisay "in ay ciil ku noolaadan"

Kalluumeysatadda dalkiisa ayuu kula taliyey in ay kheyraadkooda lasoo baxaan, isaga oo u balanqaaday in aaney ku dhici doonin "mashaqadda haatan haysata kalluumeysatadda Soomaaliya".

"Soomaaliya waa mid kamid ah ilaha ugu wanaagsan kalluunka. Haddana kalluumeysato dibadda ka imaaneysa ayaa qaadanesysa, taasi oo ay Soomaalida ka careysan yihiin," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay JK, carada kalluumeysatada Soomaaliya waxay dhalisay in ay noqdaan shufta badeed dhibaateysa bad-maaxiyo Indonesia u dhashay, wallow ay ajaaniib kale ku jiraan.

"Inkasta oo burcad badeedka haatan laga adkeenayo, waxaan isku deyi doonaa in aan ilaalino bad-qabka kalluumeysatadeena," ayuu xusay. "Shaqo la'aanta ayaa sidoo kale ku kaliftay in ay badda galaan," ayuu ku daray.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan maraakiib badan oo ka kala socda dowlado dhowr ah, kuwaas oo la sheego in ay qayb ka qaadanayaan howlgalada ka dhanka ah jariifka iyo burcad-badeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM