Madaxweyne ku xigeenka Indonesia oo duray kalluumeysatada Soomaaliya

Image

JAKARTA, Indonesia – Talaabo naadir ah, madaxweyne ku xigeenka Indonesia, ayaa si aan gambasho lahayn, wuxuu weerar afka ah ugu qaaday kalluumeysatadda Soomaaliya.

Jusuf Kalla [JK] ayaa mar uu Talaadadii warbaahinta la hadlayey waxa uu carabka ku dhuftay in kalluumeysatadda Soomaaliya ay yihiin kuwa aalaaba ku dhex nool "xaalado carro ah".

JK oo sharaxay sababta ayaa tilmaamay in aysan ka faa'ideysan kheyraadkooda ay qaataan dhigooda shisheeyaha, taasi oo uu xusay in ay dhex-dhalisay "in ay ciil ku noolaadan"

Kalluumeysatadda dalkiisa ayuu kula taliyey in ay kheyraadkooda lasoo baxaan, isaga oo u balanqaaday in aaney ku dhici doonin "mashaqadda haatan haysata kalluumeysatadda Soomaaliya".

"Soomaaliya waa mid kamid ah ilaha ugu wanaagsan kalluunka. Haddana kalluumeysato dibadda ka imaaneysa ayaa qaadanesysa, taasi oo ay Soomaalida ka careysan yihiin," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay JK, carada kalluumeysatada Soomaaliya waxay dhalisay in ay noqdaan shufta badeed dhibaateysa bad-maaxiyo Indonesia u dhashay, wallow ay ajaaniib kale ku jiraan.

"Inkasta oo burcad badeedka haatan laga adkeenayo, waxaan isku deyi doonaa in aan ilaalino bad-qabka kalluumeysatadeena," ayuu xusay. "Shaqo la'aanta ayaa sidoo kale ku kaliftay in ay badda galaan," ayuu ku daray.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan maraakiib badan oo ka kala socda dowlado dhowr ah, kuwaas oo la sheego in ay qayb ka qaadanayaan howlgalada ka dhanka ah jariifka iyo burcad-badeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM