Madaxweyne Xaaf oo la kulmay xubno ka socda Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa wuxuu wada hadalo la yeeshay wakiiladda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya.

Kulanka oo Axadii ka qabsoomay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno kale oo labadda dhinac ka socday.

Fransisco Madeira iyo James Swan ayaa kala hadlay Xaaf xaaladda guud ee dalka gaar ahaan doorashooyinka soo aadan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xaaf ayaa lagu sheegay in shirka lagu soo qaadey "xaaladaha qallafsan ee ka jira Galmudug".

"Iyaddoo jiiran [mid] siyaasadeed oo dheer kadib markii ay kasoo cusboonaadeen xaalado dagaal oo foolxin," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, marka laga soo tago qoraalka kasoo baxay xafiiska Xaaf ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka UN-ka iyo ururka Midowga Afrika.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadda oo Galmudug ay wajaheyso dib-u-dhacyo ku yimid xilligii doorashooyinka iyo hanaan ay xukuumaddu sheegtay in loo marayo dhismaha Galmudug mida oo muddo qaadatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM