Xaaf oo Mooshin culus laga keenay xilli Galmudug kala qeybsantay

Image

DHUUSAMAREEB - Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Galmudug, gaar ahaan garabka ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay Mooshin Kalsooni kala noqosho ah ka keeneen Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf].

Xildhibaan Muxudiin Cali Jimcaale (Jakuula) oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug ayaa xaqiijiyay in mooshinka saxiixiisu uu wali socdo, islamarkaana ay doonayaan inay maalmaha ama saacadaha soo socda u gudbiyaan gudoonka Baarlamaanka.

Wuxuu xusay Xildhibaan Jakuula in Mooshinka ay illaa hadda saxiixeen in ka badan 50 Mudane,oo isaga uu ka mid yahay waxaana uu intaasi ku daray in ay doonayaan Xildhibaanada inay xilka ka qaadaan Madaxweyne Xaaf, oo xilligan mowjado siyaasadeed ay ku furan yihiin.

Lama oga sababta ka dambeysa Mooshinka cusub, balse waxa uu kuso beegmayaa xilli uu labo garab u kala jabey maamulka Galmudug, islamarkaana Xildhibaanadiisa Cadaado iyo Dhuusamareeb ku kala sugan ay dhawaan xilalka kawada qaadeen dhamaan madaxda sare ee maamulka.

Laakiin, illo xog ogaal u ah arrimaha ka socda Dhuusamareeb ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Xildhibaanada mooshinka wada ay yihiin kuwii Ahlu Sunna, oo doonaya inay meesha ka saaraan Xaaf, dibna u doortaan Sheekh Maxamed Shaakir.

Khilaafka Siyaasadeed ee Galmudug ayaa mudo soo jiitamayay wixii ka dmabeeyay heshiiskii awood qeybsiga Jabuuti, kaasoo mas'uuliyiinta isku qabteen qaabkii loo hirgelin lahaa, gaar ahaan muda xileedka Madaxweynaha, isku dhafka labada Baarlamaanka ee Ahlu Sunna iyo Galmudug iyo arrimo kale.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM