Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Image
Image

DOXA – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fiidnimadii xalay kula kulmay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, Qasriga Lusail, halkaas oo uu uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii hore ee dalkaas, Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu wehlinayay wafdi uu hoggaaminayay, ayaa Amiirka Qatar u gudbiyay tacsi iyo tiiraanyo ku aaddan geerida Amiirkii hore, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani; Wakiilka Gaarka ah ee Amiirka, Sheekh Jaasim bin Xamad Aal Thaani; Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan bin Jaasim Aal Thaani; Guddoomiyaha Golaha Shuurada, Xasan bin Cabdulla Al Ghanim; xubno ka tirsan qoyska boqortooyada iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Qatar.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah madaxda caalamka ee u tagaya Qatar si ay uga tacsiyeeyaan geerida Amiirkii hore ee dalkaas, Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM