Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Ciraaq oo telefoonka kuwada hadlay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu daboolka ka qaadey in uu khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa Ciraaq, Barham Saalix.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareegaha Twitter-ka ayuu ku shaaciyey qodobadda iyo ujeedka uu daarnaa wadahadalka.

Sidda laga soo xigtay fariintaas, labadda hogaamiye ayaa isla soo qaadey la dagaalanka safmarka dilaaga ah ee Coronavirus iyo argagixisadda.

"Waxaan khadka telefoonka ku wada hadalnay Madaxweynaha dalka Ciraaq walalakay Barham Saalix. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, dagaalka aan kula jirno ka hortagga COVID19 iyo in 2da dal ay yeeshaan khibrad is dhaafsi ku saabsan ciribtirka fikirka xagjirka ah," ayuu Farmaajo yiri, isagoo adeegsaday luuqadda Af Soomaaliga.

Illaa iyo haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan wadahadalkan oo kasoo baxay xukuumadda Baqdaad iyo xafiiska Barham Saalix.

Wadahadalka madaxda ayaa yimid xilli bilooyinkii lasoo dhaafay ay jireen warar sheegaya in gudaha Ciraaq ay ku xaniban yihiin haween Soomaali ah oo ay qabeen dagaalameyaal Daacish ah.

Suuriya ayaa sidoo kale lagu waramay in ay joogaan gabdho Soomaali ah oo caruur u dhalay dagaalameyaal ka tirsan kooxda laga adkaaday ee ISIL.

Waalidiintooda ayaa xukuumadda Muqdisho ka codsaday in ay ka shaqeyso siddii ay u soo celin lahayd gabdhooda kadib markii dowladaha reer Galbeedka  oo ay dhalasho labaad ka haystaan ay diideen soo jeedintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM