Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo ka degay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee waddanka Koonfur Afrika, Thabo Mbeki, ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu ka degay magaaladda Muqdisho, caasimadda dalka Soomaaliya.

Mbeki, oo ah madaxa Guddiga Sare ee fulinta Midowga Afrika u qaabilsan Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed ayaa waxaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad.

Si dhab ah shaaca loogama qaadin ujeedka socdaalka mas'uulkan, kaasi oo soo dhaweyntiisa ay ka qeybgeleen xubno kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Illo wareedyo ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in Mbeki uu saacadaha soo aadan uu kulan la qaadan doono madaxweyne Farmaajo, ku simaha ra’iisul wasaaraha, hogaanka UN-ka iyo AMISOM.

Thabo Mvuyelwa Mbeki oo ahaa madaxweynihii labaad ee Koonfur Afrika ayaa xafiiska joogay intii u dhaxeysay bishii June sanadkii 1999 illaa iyo 24-kii September 2008.

Kahor socdaalkiisa Muqdisho, Mbeki ayaa wuxuu cagta soo mariyey Nairobi, halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda Kenya, isaga oo kala soo hadlay xaalada gobolka iyo arrimaha Badda Cas.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa dhextaala dacwad dhanka badda ah, taasi oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay dib u bilaabeyso dhageysiga kiiskaasi bisha September.

Xukuumadda Nairobi ayaa dooneysa in qaab wada hadal ah lagu dhameeyo qadiyaddan, balse Muqdisho ganafka ayey ku dhufatay, waxayna ku adkeysatay in xeer-beegtada ka dhowr-sugeyso.

MUUQAALKA SOO DHAWEYNTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM