Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo ka degay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee waddanka Koonfur Afrika, Thabo Mbeki, ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu ka degay magaaladda Muqdisho, caasimadda dalka Soomaaliya.

Mbeki, oo ah madaxa Guddiga Sare ee fulinta Midowga Afrika u qaabilsan Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed ayaa waxaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad.

Si dhab ah shaaca loogama qaadin ujeedka socdaalka mas'uulkan, kaasi oo soo dhaweyntiisa ay ka qeybgeleen xubno kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Illo wareedyo ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in Mbeki uu saacadaha soo aadan uu kulan la qaadan doono madaxweyne Farmaajo, ku simaha ra’iisul wasaaraha, hogaanka UN-ka iyo AMISOM.

Thabo Mvuyelwa Mbeki oo ahaa madaxweynihii labaad ee Koonfur Afrika ayaa xafiiska joogay intii u dhaxeysay bishii June sanadkii 1999 illaa iyo 24-kii September 2008.

Kahor socdaalkiisa Muqdisho, Mbeki ayaa wuxuu cagta soo mariyey Nairobi, halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda Kenya, isaga oo kala soo hadlay xaalada gobolka iyo arrimaha Badda Cas.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa dhextaala dacwad dhanka badda ah, taasi oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay dib u bilaabeyso dhageysiga kiiskaasi bisha September.

Xukuumadda Nairobi ayaa dooneysa in qaab wada hadal ah lagu dhameeyo qadiyaddan, balse Muqdisho ganafka ayey ku dhufatay, waxayna ku adkeysatay in xeer-beegtada ka dhowr-sugeyso.

MUUQAALKA SOO DHAWEYNTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM

Beesha Caalamka oo ka Dooday Cunaqabatayn iyo Isbeddel Siyaasadeed iyadoo Xiisadda Soomaaliya Sii Kordhayso

Qodobada miiska saarnaa ayaa waxaa ka mid ahaa suurtagalnimada in la tixgeliyo siyaasadda World Bank ee loo yaqaan OP 7.30.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 11:27AM