Magaalooyin ku yaalla Soomaaliya oo 30 sano kadib Adeeg caafimaad la gaarsiiyay

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Hay'adda Socdaalka Qaramada Midoobey [IOM], ayaa billowday inay daryeel caafimaad gaarsiiso labo magaalo oo ku yaalla Soomaaliya, oo dadka degan aan helin adeeggan mudadii dagaalladu ay ka socdeen wadanka.

Tobanaan kun oo qof, oo ku dhaqan Tuulooyinka Goobweyn iyo Buulla-Gaduud, oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, ee xarunta gobollada Jubba Hoose ayaa ku dhawaad 30 sano heysan xaruumo caafimaad.

Degaanadan ayaa ahaa meel ay ka jirto khatarta amni, islamarkaana suurta-gali waysay intii uu dalka ku jiro colaadda inay shaqaalaha gargaarka caalamiga ah kak howlgalaan.

Billooyinkii ugu dambeeyay, IOM ayaa sheegtay in goobo lagu bixiyo adeega caafimaad inay ka hirgelieen degaanadan, kadib markii ciidamada dowladda ka saareen Al-Shabab.

Afhayeen u hadlay IOM Joel Millman ayaa tilmaamay in amaanka Goobweyn iyo Buulla-Gaduud uu soo hagaagayo, taasina ay suurta gal ka dhigayso inay ka howlgalaan hay'adaha.

"Mudii 27-ka sano ee lasoo dhaafay, colaaddii ka jirtay Soomaaliya ayaa suurta-gelin waysay in qeybo badan oo kamid ah dalka la garsiiyo gurmad caafimaad," ayuu yiri Joel.

Afhayeenka IOM ayaa intaasi ku daray in hadda shacabka ku nool goobaha ay maamusho dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay helayaan daryeel caafimaad, oo ay kamid yihiin talaalka caruurta iyo hooyooyinka uurka leh, daawooyinka Malaria, nafaqeynta iyo adeeggyo kale.

Joel ayaa xusay in markii shaqaalaha IOM ay tageen Goobweyn iyo Buulla-Gaduud ay ku arkeen bulshada meelahaasi ku dhaqan xaaladdo murugo leh, oo ay kamid yihiin nafaqo darri aad u baahsan iyo tallaal la'aan caruurta iyo haweenka xaamilada ah.

Qoysas badan oo deganaa Tuulooyinka ayaa isaga soo cararay sababtoo ah daryeel la'aanta dhanka caafimaadka, iyadoo tagey goobo ku dhaw oo ay hay'adaha joogaan.

Maamulka Jubbaland ee fadhiya Kismaayo, ayaa lagu dhaliilay inuu inuu ka gaabiyay in adeegyo caafimaad iyo waxbarasho uu gaarsiiyo shacabka degan degaanada gobolkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM