Magacyada iyo sawiradda "Xubno Al-Shabaab ah" oo lagu raadjoogo

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya [NISA], ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay magacyadda iyo sawiradda shan "xubnood oo Al-Shabaab ah" oo ay sheegtat inay ku raad-joogto.

Xubnahan ayaa kala ah; Sharmaake Cumar Axmed Xuseen, Axmed Faarax Iidle, Cabdiraxmaan Mustaf Cabdullaahi, Ramadaan Cabdiraxiin Mursal iyo Cabdinaasir Axmed Cabdiqaadir.

Sharmaake oo magacyadiisa afgarashadu yihiin; Ugaaska iyo Ganey, kana soo jeeda Beledwayne, Hiiraan, ayaa loo haystaa dilka Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud, ku xigeenkii xeer-ilaaliyaha.

Iidle oo kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida looga dhex-yaqaano Shuuriye iyo Madoobe Nuunow ayaa kasoo jeeda Ceelbuur, Galgaduud.

Shuuriye waxaa lagu eedeeyay in uu qayb ka ahaa khaarijinta Maxamuud Xaaji Cali, Sareeye Guuto boolis.

Cabdiraxmaan Mustaf Cabdullaahi oo magacyadiisa afgarashadu yihiin Faarax Mooryaanka ayaa ku dhashay Wanlaweyn, gobolka Shabeellaha Hoose.

Faarax Mooryaan ayaa qayb ka ahaa dilka laba Alifle Boolis, Maxamed Cumar Sheekh Cismaan, lagu dhex-toogtay Masjid, 24-kii February, 2017.

Kaliya ma ahayn dilaa, waxaa u wehlisay abaabulka qaraxyadda gawaarida ee ka dhaca magaala madaxda waddanka.

Ramadaan Cabdiraxiin Mursal oo sidoo kale Al-Shabaab looga yaqaano Saalax, ayaa kasoo jeedaa magaaladda Baardheere, gobolka Gedo.

Saalax ayaa lagu soo oogay dacwad ku aadan in uu qayb ka ahaa Sareeye Guuto ciidanka xoogga Cabdullaahi Sheekh Xasan [Qururux] iyo wiil ilaalo u ahaa.

Cabdinaasir Axmed Cabdiqaadir [Carabey], oo kasoo jeeda Buur-hakaba, gobolka Bay, ahna ku xigeenka Saalim, wuxuu qaadi jiray haweenka qaada hubka ay wax kusoo dilaan eedeysaneyaasha la xukumay.

Saalim Saciid Maxamed oo lagu xukumay dil toogasho ayaa ahaa Madaxdii Gaadiidka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, waxaa intaas u wehlisa in uu akoonkiisa gaarka ah ka bixin jiray qarashka.

Xubnahaan ayaa ka tirsanaa shabakad uu horjooge u ahaa Maxamed Xaaji Axmed magacyo afgarasho kala duwan leh.

Xudeyfa, Ilkacase iyo Cadaawe dhamaan waa magacyadda afgarashadda ee uu Maxamed kula shaqeeyey "gacan ku dhiigleyaasha".

Shabakadan oo ay ku jirto haweenay lagu magacaabo Faadumo Korneyl ayaa waxaa ku wehliya Axmed Maxamed Haashim.

Maxkamadda Ciidamadda ayaa Maxamed Xaaji, oo Barre ka ahaa mid kamid ah Iskuuladda magaaladda Muqdisho, ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta dadkii uu dilay.

Garsooreyaasha ayaa sidoo kale shanta maqan afar kamid ah ku xukumay dil toogasho, halka Cabdinaasir ay ku riday xabsi daa'in. Faadumo Korneyl waxaa lagu ridday xukun 15-sano oo xabsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM