Magacyada xubnaha cabashada laga keenay oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay magacyadda xubnaha kamid ah guddiyada doorashooyinka ee cabashada ay ka gudbiyeen Midowga Musharaxiinta kuwaasoo wadarta tiradooda ay tahay 67.

Iyaga oo metalaya Musharaxiinta madaxtinimada, madaxwayneyaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Guuleed, ayaa shalay la kulmay ra'iisul wasaaraha.

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa soo bandhigay magacyadda xubnahan.

Sida ay xoguhu caddeynayaan, 61 kamid ah xubnahan ayaa si toos ah cabashadooda loogu gudbiyey xafiiska Rooble, afar xubnood xafiiska afhayeenka Aqalka Sare iyo hal xubnood oo lagu hagaajiyey xafiiska guddoonka Golaha Shacabka.

Tabashada ka dhanka ah xubnahan ayaa waxay isugu jirtaa in ay yihiin shaqaale ka tirsan dowladda federaalka, saraakiil ka tirsan hay'addaha ammaanka gaar ahaan sirdoonka iyo in ay qaarkood yihiin taageereyaasha maamulka Farmaajo.

Mucaaradka ayaa sheegay in maamulka Farmaajo uu ku fekeraayey in xubnahan uu "ku boobo doorashooyinka una soo saaraan Xildhibaano liiskooda u sii qoran yahay".

Heshiiska ay Khamiista todobaadkii hore Muqdisho ku gaareen hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa xeerinaya in meesha laga saaro xubnahan kuwaasoo kamid ah qodobadii caqabada ku ahaa hirgelinta doorashooyin loo-wada-dhan-yahay.

Hoos ka akhriso magacyadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM