Maleyshiyaad daacad u ah Roobow iyo Al-Shabaab oo dagaalamay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dagaal culus ayaa lagu waramayaa in maanta oo Khamiis ah uu ka dhacay tuulada Abal, oo qiyaastii 18 KM dhanka Bari uga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta gobolka, iska hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay maleyshiyaad daacadda u ah Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Maleyshiyaadka daacada u ah ku xigeenkii hore ee hogaamiyaha kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida kaasi oo ku xiran Muqdisho ayaa guulo ka sheegtay is-rasaaseynta oo ay tibaaxeen in ay Al-Shabaab soo qaadey.

"Rasaas culus ayaa maqalnay … laakiin ma xaqiijin karo khasaaraha," ayuu yiri qof kamida dadka maxaliga ah oo sababo jira awgeed u khariyay magaciisa xili uu khadka telafoonka kula hadlayey Garowe Online.

Maleyshiyaadka taageersan Mukhtaar Roobow oo la baxay magaca "Caaro Caaro" ayaa ka gaabsaday in ay soo bandhigaan waxyeelada – dhimasho ama dhaawac – ee ka dhashay isku dhacaasi.

Dhinaca kale, illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalkaan oo kasoo baxay dhinaca kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Caaro Caaro oo uu Roobow sameystay Shan sano kahor markii uu kasoo baxay Al-Shabaab ayaa fariisimo ku leh nawaaxiga Xudur xili aan lagu biirin ciidamada qaranka tan iyo markii uu isa soo dhiibay Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur oo haatan xabsi guri ugu jiray xukuumada Muqdisho ayaa magaalada Baydhabo laga soo xiray bishii December 2018-kii si looga reebo tartanka doorashada Koonfur Galbeed oo uu murashax u ahaa.

Qabashada Roobow oo ay ka dhasheen dibad-baxyo rabshado watay oo horseeday dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya, oo la sheegay in ay magdhow ka bixineyso.

Dagaalkaan la sheegay in uu maanta dhacay ayaa noqonaya midkii labaad oo dhex-mara labada dhinac tan iyo markii isa soo dhiibay Roobow xili isku dhicii koowaad lagu khaarijiyey wiil uu dhalay Mukhtaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM