Maraakiib ku xadgudbay biyaha Somaaliya oo dacwad laga gudbiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in xeebaha dalka ay wali ka jiraan kalluumeysi sharci darro ah oo ay geysanayaan maraakiib laga leeyahay dalal aysan xiriir la lahayn.

Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, ayaa xusay in maraakiibta fal-dambiyeedkan caalamiga ah ku lug leh ay ku socdaalaan calanka wadamo kale.

"Dhibaatada xun waxaa nagu haya maraakiib calanka wadamada kale sidata oo aan xiriir la lahayn Soomaaliya iyo maamulada, warbixino ayaan ka gudbinaa, qaarkood waa laga saarey badda, qaarna waa la qabtay".

Maadaama aysan Soomaaliya lahayn ciidamo badeed oo xoogan, howlgal ay dowlado badan ku jiraan ayaa ilaaliyaha xeebaha dalka.

Mr Bidhaan ayaa ku daray: "Dagaal baan kula jirnaa, laakiin dagaalkeena illaa iyo uu ka noqdo mid aan annaga gacanta ku haysano, oo booliis Soomaaliyeed loo dirayo oo soo qabanaya, ma gaarayo meesha la rabey".

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in ay jiraan maraakiib kusoo xadgudbay biyaha Soomaaliya oo ay dacwad ka gudbiyeen.

Mar la waydiiyey in uu carabaabo dalalka, wasiirka ayaa farta ku fiiqay Iran, isagoo ku nuux-nuux saday in maraakiibta dalkan ay si joogto ah ugu soo xadgudbaan Soomaaliya, waxna ka qabanayaan arrintaasi.

"Iran lama nihin wax xiriir ah, marka waxaa jira dalal kale oo lamid ah, balse wadamada ay isku dhow yihiin dekadaheena ayaan kula jirnaa heshiis ah in ay qabtaan markabkii xadgudub sameeya".

Sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay, Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta dalalka ugu badan oo ay ka dhacaan kalluumeysiga sharci daradda isla markaana ay ka jirto baahi loo qabo iskaashi wax looga qabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM