Mareykanka oo baaq degdeg ah kasoo saarey xaalada Laascaanood

Image
Dagaalada ka dhacay magaaladda ayaa galaaftey in ka badan 100 ruux oo u badan dad shacab ah.

HARGEYSA, Somaliland - Hawlgalka diblamaasiyadeed ee Maraykanka gudaha Soomaaliya ayaa dalbaday xabbad-joojin "degdeg ah" oo shuruud la'aan ah kana hirgasha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii wefti ka socda safaaradda oo uu hoggaaminayey safiir ku-xigeen Tim Trenkle ay gaareen caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isla markaana ay kulamo wada-tashi ah ku yeesheen madaxda siyaasadda iyo bulshada rayidka ah.

Weftiga ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxaanay ka wadahadleen shaqaaqadii ka dhacday Laascaanood iyo qaabka xal degdeg ah lagu gaari karo.

“Wadahadal daacad ah oo saaka la yeeshay madaxweynaha Somaliland @Musebiihi oo ku saabsan khasaarihii naxdinta lahaa ee naf iyo maal ee ka dhacay Laascaanood. Mareykanka wuxuu kula biirayaa beesha caalamka baaqa ku aadan xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la'aan ah & gargaar bini'aadannimo oo aan caqabad lahayn,” ayay tiri safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland iyo Trenkle ay ka wadahadleen cilaaqaadka Somaliland iyo Maraykanka, shaqaaqada Laascaanood iyo amniga gobolka.

"Waxa kale oo ay ka wadahadleen in dib loo bilaabo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya," ayay raacisay iyadda oo aanan bixin fahfaahin intaas kasii badann.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ka taagan xiisad dagaal oo u dhexeysa ciidamada maamulka Somaliland iyo dadka degaanka saddexdii toddobaad ee u dambeeyay ka socday.

Rabshadahaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur labada dhinac ah. Hase ahaatee, waxaa wehliya burbur xooggan oo soo gaarey kaabayaasha dhaqaalaha muhiimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM