Mareykanka oo baaq kasoo saarey doorashada maamulka Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale caddeysay aragtideeda ku wajahan doorashadda madaxtinimada Galmudug.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in ay si dhow ula socdaan xaalada maamulkaas.

"Danjire Yamamoto iyo safaraada Mareykanka ee Soomaaliya waxay si dhow ula socdaan geedi u socodka Galmudug," ayay lagu yiri fariinta.

Bayaanka ayaa intaa ku daray "Waxaan qof walba ugu baaqeynaa in uu ka fogaado khataraha keeni karta rabshado, ayna sii wadaan ka qeyb-qaadashada wada-xaajoodyo nabdoon".

Baaqan ayaa imaanaya iyadoo qorshuhu yahay in baarlamaanka ay aqoonsan tahay dowladda uu 2-da bisha Febraayo, 2020 uu madaxweyne ku doorto magaala madaxda Dhuusamareeb.

Ahlu Sunna oo doorasho ku qabtay Dhuusamareeb ayaa madaxweyne u dooratay Sheekh Shaakir, halka Xaaf lagu doortay coddeyn ka dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Arrimahaan ayaa ka dhashay khilaaf muddo soo jiitamayey oo salka ku haya hanaanka loosoo xulay baarlamaanka labaad.

Beesha Caalamka oo war-saxaafadeed mideysan kasoo saartay doorashadda dowlad goboleedka ayaa dhinacyadda ku waanisay in ay khilaafkooda ay ku dhameeyaan miiska wada-hadalka.

Deeq-bixiyeyaasha ayaa soo jeediyey in geedi-u-socodka doorashadda ay noqoto mid lawada ogol-yahay.

Murashaxiinta mucaaradka oo aan wali is-diiwaan-gelin ayaa xukuumada federaalka ku eedeeyay in ay "maroor-satay" soo xulista Xildhibaanadda.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan "aqoonsan doonin" natiijo kasta oo doorashada kasoo baxda.

Wallow xukuumada Khayre ay dhismaha Galmudug midda ku howl-laneyd bilooyin, miradhalka wuxuu u muuqdaa "mid ka fog wixii laga filayey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM