Mareykanka oo bogaadiyey heshiiska Dowladda iyo Ahlu Sunna

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku bogaadisay heshiiska ay Khamiista maanta ah ku dhawaaqeen dowladda iyo Ahlu Sunna.

Heshiiska ayaa dhigaya in Ahlu Sunna ay 20-xubnood ku yeelan doonto baarlamaanka cusub ee maamul goboleedka Galmudug.

Qoondada Ahlu Sunna ee Golaha Wakiiladda Galmudug ayaa kamid ahayd qodobadii ka taagnaa khilaafka ee dhaliyey dib-u-dhacyadii geedi-u-socodka doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, wuxuu soo dhaweynayaa heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ).

Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay taageerto dadaalladan isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni.

Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab.

Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska.

Galmudug waa gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM