Mareykanka oo dabciyey mowqifkiisa maamulka Axmed Madoobe

Image

KISMAAYO, Jubaland – Mareykanka oo war qoraal ah soo saarey ayaa Villa Soomaaliya iyo madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyadda ugu baaqey in ay dhinac iska dhigaan kala aragti-duwanaanta.

War-saxaafadeedka oo kasoo baxay Safaaradda Muqdisho ayaa lagu booriyey in ay wada-hadlaan si loo wiiqo Al-Shabaab isla markaana looga gudbo caqabadaha amniga kahor doorashooyinka 2020-21.

Sidoo kale, waxay soo jeedisay in Dowladda iyo Maamuladda ay dib u bilaabaan wada shaqeynta iyo is-dhex-galka siyaasadeed.

Tani ayaa muujineysa in safiirka Mareykanka uu dabciyey mowqifkiia hogaanka haatan jira ee dowlad goboleedka Jubaland.

Axmed Madoobe ayuu bayaanka cusub ugu yeeray "madaxweyne" halka war-saxaafadeedyadii hore uu ku tilmaamay jiray "hogaamiye".

Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo Qaramada Midoobay, Safaarada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ay ka gaabsadeen natiijada doorashadii Galmudug oo Donald Yamamota uu aqoonsadey.

Yamamota ayaa cambaareyn kala kulmay saamileyda iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ku eedeeyay "in uu dhinac gaar ah la saftay".

Dowladda ayaa lagu eedeeyay in ay musuqmaasuqday hanaanka soo xulista baarlamaanka labaad ee Galmudug oo la tilmaamay in ay ku jireen shaqaalo ka tirsanaa xafiisyada Farmaajo iyo Khayre.

Dhanka kale, illo xog ogaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in Yamamota uu cadaadis saarey madaxweyne Farmaajo kadib dhaleeceynta kasoo gaartay saamileyda siyaasadeed ee Galmudug.

Cadaadiska ayaa ah in ay la shaqeyso Axmed Madoobe iyo maamulada kale. Xogta waxay xuseysaa in dowlada dhowaan soo saarto qoraal ay "madaxweyne" ugu yeeri doonto Axmed Maxamed Islaam.

Dowladda ayaa sidoo kale qorshuhu yahay in ay shir wadatashi ah ku casuuntay Dowladaha xubinta ah ee federaalka, arrintaas oo ka dhalatay cadaadiska Donald Yamamota uu saarey madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM