Mareykanka oo dalab u diray Farmaajo iyo maamuladda

Image

WASHINGTON, USA – Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha maamuladda waa in ay si deg-deg ah u soo afjaraan jahwareerka siyaasadeed ee dalka u galay qabsoomida doorashooyinka awadeed, sidda ay cod dheer ugu baaqdey dowlada Mareykanka.

Richard Mills, sii-haayaha ergayga gaarka ah ee Washington u qaabilsan Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa oo ka hadlay fadhigii gaarka ahaa ee UN-ka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in la xaqiijiyo in aysan habraacyo ama doorashooyin is-barbar socda.

Sidda laga soo xigtay diblumaasiga, doorasho hal dhinac ah, geedi-socod is-barbar-socda iyo qabashada doorasho kale oo ay kamid tahay yagleelida nidaam ku meelgaar ah waxay sii hurineysaa xasilooni daradda waddanka.

Mills ayaa caddeeyay in Washington ay taageereyso soojeedinta Guddiga Farsamo ee 16-kii Febraayo ku shiray caasimadda ku meelgaarka Jubaland ee Baydhabo, waxaana ay ku talisay in deg-deg loo bilaabo dhaqan-gelinta.

Fulinta, sidda uu xusay danjiraha, waa muhiim in ay leedahay jadwal cad oo lagu xalinayo "xiisada siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya".

"Kala-guur siyaasadeed oo waqtigiisa ku habboon oo nabad ah, iyo ballan-qaad cusub oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka si ay u wada shaqeeyaan, ayaa looga baahan yahay in Soomaaliya ay si deg-deg ah wax uga qabato howlaha badan ee horyaala," ayuu hadalkiisa ku daray safiirka.

Ugu dambeyntii, Richard Mills ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Mareykanka ay meel adag ka taagan tahay adeegsiga rabshadaha, wuxuuna ka shanqariyey in kaliya heshiis iyo wada-ogol looga gudbi karo mar-xaladdan, balse masoo hadal-qaadin in saxiixa heshiiska ay kawada qeybgalaan dhamaan saamileyda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM