Mareykanka oo dalab u diray Farmaajo kahor kulanka Aqalka Hoose

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah waxay ugu boorisay madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo iyo guddoonka Golaha Shacabka in ay ka laabtaan muddo kororsiga labada sano.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu xusay in muhiim ay tahay in dib loo bilaabo wadahadalo si loo helo qaab doorasho oo la isku raacsan yahay.

"Mareykanka wuxuu diiwaan-gashtay ballanqaadkii Madaxweyne Farmaajo ee 28-kii Abriil ee ahaa inuu dib ugu laaban doono heshiiskii doorashada ee Sebtember 17 isla markaana uu si dhakhso leh dib ugu bilaabto wadahadalo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka," ayay tiri wasaaraddu.

Wasaaradda oo soo hadal-qaadey murro kororsiga ayaa ku dartey "waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo baarlamaanka inay si deg deg ah wax uga qabtaan baabi'inta hindise sharciyeedka kordhinta ee 12 Abriil".

"Waxaan ku bogaadineynaa Ra'iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka sidii ay u diideen muddo kordhinta," ayay xustey.

Qoraalka ayaa intaas raaciyey: "Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya in ay si deg deg ah u kulmaan si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay iyo in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17".

"Dhammaan hoggaamiyeyaashu waa inay dhinac iska dhigaan himilooyinkooda siyaasadeed ee shaqsiga ah iyo kala duwanaanshahooda danta ummadda Soomaaliyeed ayna si daacad ah ugu gorgortamaan shuruud la’aan iyo iyagoo diyaar u ah tanaasul," ayay xustey.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo dhamaan dhinacyadda hubeysan in ay istaagaan oo ay ogolaadaan in wadahadalka siyaasadeed uu dib ugu bilowdo jawi ka caagan rabshadaha iyo cagajugleynta. Sii socoshada iskahorimaadku wuxuu kaliya u adeegi doonaa inuu uga sii daro xaaladaha dadka Soomaaliyeed".

Dalabka Mareykanka ee ku saabsan baabi'inta muddo kororsiga labada sano ayaa kusoo aadaya xilli lagu waddo in Farmaajo uu Sabtida soo aadan hortago Aqalka Hoose. Balse ma cadda wuxuu u sheegi doono Golaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku soo bandhigay eedeysaneyaal

Eedeysanayaashaan ayaa waxa ay isugu jiraan milkiileyaal iyo farsamayaqaano.

  • Soomaliya

    09-05-2024

  • 05:25PM

Soomaaliya oo codsatay in albaabada loo laabo xafiiska UN-ka ee Muqdisho

Talaabadaan ayaa imaanaysaa xilli howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ka baxayaan dalka.

  • Soomaliya

    09-05-2024

  • 09:11AM