Mareykanka oo dalab u diray madaxda DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Mareykanka ayaa qoraal ka luuqad adag bayaankii maanta ee Beesha Caalamka waxay kasoo saartay xaaladda cakiran ee Soomaaliya gaar ahaan is-mari-waaga doorashooyinka.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay si deg-deg ah u soo afjaraan kala aragti-duwanaan ragaadisay doorashadda.

Sidda laga soo xigtay qoraalkaas kooban, xukuumadda Washington ayaanan marnaba raali ka noqon doonin in wixii haatan ka dambeeya uu muranka sii jiitamo "maadaama waqtiga uu yahay mid isa-sii-guraya".

Balse, bayaanka ayaanan lagu soo hadal-qaadin wadaxaajoodyadda musharaxiinta iyo xukuumadda waqtiga ka dhamaadey ku dhexmaray magaala madaxda Muqdisho labadii todobaad ee aynu kasoo gudubnay.

"Waqtiga wuu sii dhamaanayaa. Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah in ay hadda kulmaan ayna sameeyaan waxa u wanaagsan dadka Soomaaliya iyo in ay dhameystiraan doorashadan," ayay safaaraddu daabacdey.

Mareykanka ayaa kamid ah deeq-bixiyeyaasha ugu tunka weyn saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya, waxaana ay saameyn ku leeyihiin geedi-socodka doorashooyinka iyo guud ahaan dowladnimada waddanka.

Dhawaqa Washington ayaa imaanaya saacado kadib markii Beesha Caalamka soo dhaweysay isu-soo-dhowaanhiyaha xukuumadda iyo musharaxiinta uguna baaqdey hogaanka Soomaalida ay xaliyaan arrimaha taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM