Mareykanka oo dalab u diray madaxda DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Mareykanka ayaa qoraal ka luuqad adag bayaankii maanta ee Beesha Caalamka waxay kasoo saartay xaaladda cakiran ee Soomaaliya gaar ahaan is-mari-waaga doorashooyinka.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay si deg-deg ah u soo afjaraan kala aragti-duwanaan ragaadisay doorashadda.

Sidda laga soo xigtay qoraalkaas kooban, xukuumadda Washington ayaanan marnaba raali ka noqon doonin in wixii haatan ka dambeeya uu muranka sii jiitamo "maadaama waqtiga uu yahay mid isa-sii-guraya".

Balse, bayaanka ayaanan lagu soo hadal-qaadin wadaxaajoodyadda musharaxiinta iyo xukuumadda waqtiga ka dhamaadey ku dhexmaray magaala madaxda Muqdisho labadii todobaad ee aynu kasoo gudubnay.

"Waqtiga wuu sii dhamaanayaa. Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah in ay hadda kulmaan ayna sameeyaan waxa u wanaagsan dadka Soomaaliya iyo in ay dhameystiraan doorashadan," ayay safaaraddu daabacdey.

Mareykanka ayaa kamid ah deeq-bixiyeyaasha ugu tunka weyn saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya, waxaana ay saameyn ku leeyihiin geedi-socodka doorashooyinka iyo guud ahaan dowladnimada waddanka.

Dhawaqa Washington ayaa imaanaya saacado kadib markii Beesha Caalamka soo dhaweysay isu-soo-dhowaanhiyaha xukuumadda iyo musharaxiinta uguna baaqdey hogaanka Soomaalida ay xaliyaan arrimaha taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM