Mareykanka oo "dib-u-qiimeynaya" xiriirka Dowlada Soomaaliya

Image

WASHINGTON, USA - Sharci-dejiyaal ka tirsan Senate-ka dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Michael McCaul iyo Gregory Meeks ayaa si adag uga hor-yimid muddo kordhinta labada sano ee maamulka Farmaajo.

"Talaabadan waxay burburineysaa nidaamka federaalka waxaana ay xasilooni darro u horseedeysaa Soomaaliya," ayaa ku sheegeen war-saxaafadeed ay Senatoradan soo saareen Talaadada maanta ah.

Mudaneyaasha oo qoraal wadajir ah soo saarey ayaa cod dheer waxay ku waydiisteen ukuumadda Washington ay dib-u-qiimeyso xiriirka ay la leedahay dowlada federaalka Soomaaliya iyo kaalmada ay siiso.

Cunaqabateyn ka dhan ah shaqsiyaadka curyaaminaya wadaxaajoodyadda xalka loogu raadinayo is-mari-waaga ayay soo jeediyeen. Balse, ma magacaabin cidda caqabadda ku ah geedi-socodka wadahadalka.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay maamulka Farmaajo in uu xagal-daacinayo wadaxaajoodyadda isla markaana ay doonayaan in laga qaado talaabada ku haboon dhaqankiisa.

"Haddii muddo kordhinta horey loosii waddo, Mareykanka waa in uu dib u qiimeeyaa taageerada iyo cilaaqaadka aan la leenahay dowladda Soomaaliya uuna tixgeliyaan cunaqabateyn ka dhan ah shaqsiyaadka caqabada ku ah wadaxaajoodyada lagu xalinayo qalalaasaha doorashooyinka," ayay ku dareen warka qoraalka.

Baaqan oo sidoo kale walaaca looga muujiyey xaaladda cakiran ee Soomaaliya dhexda kaga jirto sagaalkii bilood ee u dambeysay ayaa salka ku haya muddo kordhinta halka dhinac ee loo sameeyay maamulka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM