Mareykanka oo duqeyn diyaaradeed ka fuliyay Somalia

Image

JILIB, Somalia - Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in labo weerar oo dhanka cirka ah ay ka fuliyeen Koonfurta Somalia, iyadoo duqeyntan nonayso midii 8aad tan iyo markii uu billowday sanadkaan 2019-ka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka dhacay duleedka degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe.

AFRICOM ma sheegin tirada Al-Shabaab uga dileen duqeymaha, balse waxay xaqiijisay in uusan jirin wax khasaaro ah oo dadka shacabka kasoo gaarey howlgalkan.

Sabtidii lasoo dhaafay, Mareykanka ayaa sheegay in 52 xubnood oo kamid ahaa Al Shabaab lagu dilay duqeyn lala eegtay gaari ay la socdeen oo mareyay meel ku dhaw degmada Jilib.

Duqeynta ayaa dhacday wax yar kadib markii Al-Shabaab weerar ku qaadey saldhig ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Mareykanka ku leeyihiin degaanka Sanguuni, oo qiyaastii 50-KM dhanka waqooyi uga beegan Kismaayo.

Madaxweyne Trump ayaa bixiyay amar lagu kordhinayo weerarada ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ee ku sugan Somalia bishii Maarso ee sanadkii 2017-ka.

In ka badan 500 oo Askari oo American ah ayaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin Somalia, kuwaasoo saldhigyo ku leh gobollada Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose, gaar ahaan duleedka Kismaayo iyo Balli-Doogle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM