Mareykanka oo duqeyn diyaaradeed ka fuliyey Jubbada Hoose

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika oo war-saxaafadeed soo saarey maanta oo Isniin ah wuxuu sheegay in afar dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab uu ku dilay weerar cirka ah oo uu Soomaaliya ka fuliyey.

Duqaynta ayaa 14-kii bishaan October, [maalintii Sabtida] ka dhacday Buundada Araara ee isku xirta goboladda Jubada Hoose iyo Dhexe, halkaasi oo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ay ka dhacaan.

AFRICOM ma aysan sheegin hadii xubnaha ay beegsatay ay ku jiraan saraakiil, laakiin waxay meesha ka saartay in waxyeelo shacab ay kasoo gaartay duqayntaan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Weerarkaan cirka oo noqonaya kii 23aad oo uu Mareykanka ka fuliyo kaliya sanadkaan guud ahaan Soomaaliya ayaa noqonaya kii labaad oo bishaan October, maadaama tii koowaad ka dhacay Mudug.

Duqaynta gobolka Madug oo uusan Talisku sheegin tiradda dagaalamyaasha uu ku dilay ayaa ka dhacday meel ku dhow degmada Xarar-dheere, xili lala beegsaday Kolanyo gadiid ah.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in Kolanyadda oo ka koobneyd Cabdi Bille iyo gaari nooca raaxadda ah ay ku gubteen meesha lagu duqeeyay, inkasta oo aanan la ogayn khasaaraha.

Madaxwayne Donald Trump ayaa ku amray saraakiisha hogaamineysa ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan inay fuliyaan howlgalo, iyaga oo aanan wax latashi ah la sameynin dowlada Soomaaliya.

Duqaymaha uu Mareykanku ka fuliyo dalka oo mararka qaarkood ay waxyeelo kasoo gaarto dad Rayid ah ayaa inta badan ujeedkoodu wuxuu yahay buburinta Saldhiyada Al-Shabaab iyo gaadiidka ay la socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM