Mareykanka oo Duqeyn ka fuliyay duleedka Kismaayo [Khasaaraha]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Ugu yaraan 9 xubnood oo katirsanaa A-Shabaab ayaa lagu dilay, mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey duqeyn diyaaradeed oo Mareykanka ka fuliyay duleedka magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa war saxaafadeed ku sheegay in duqenta lala eegtay Al Shabaab ku sugan meel 40-KM waqooyi bari uga beegan Kismaayo maalintii shalay, October 1.

AFRICOM ayaa xaqiijiyay in howlgalkan ay ka gacan siiyeen ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka degaanka kasoo gaarey.

"Mareykanka waa uu sii wadi doonaa weerarada noocan ah ee looga hortagayo khatarta ku wajahan danahiisa Soomaaliya iyo difaacidda muwaadiniintiisa, islamarkaana lagu wiiqayo awoodda kooxaha argagaxisada," ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Tan iyo markii Trump Aqalka Cad taladiisa la wareegay horaantii 2017, Ciidamada Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada duqeymaha aha ee diyaaradaha Drones-ka loo adeegsado kuwaasoo Al Shabaab iyo Daacish goobahooda ku bartilmaameedsada.

Labo Askari oo Mareykanka ay ayaa lagu kala dilay gobolllada Shabeellaah Hoose iyo Jubbada Hoose tan iyo 2017, kadib markii ay ku weerareen xoogaga Al Shabaab.

Mareykanka ayaa ka jooga Soomaaliya ku dhawaad Kun Askari oo ka caawiya ciidamada dowladda iyo AMISOM dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, oo ku xoog badan degaano badan oo Koonfurta ku yaalla.

Duqeyntan oo ah midii 24aad oo sanadkan ka dhacda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa xilli Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan uu sheegay dhawaan in in ka badan 30 Askari looga dilay dagaallo Al Shabaab la galeen. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu Khatar Gelinayaa Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya

Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah inay si dhab ah u taageeraan shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:32AM

Hormuud Salaam Foundation oo Xarigga Ka Jartay Laami Muhiim ah oo Ay Ka Dhistay Xaafadda Calanleey ee Kismaayo

Laamigan cusub, oo ay maalgelisay Hormuud Salaam Foundation waxaa hirgelisay shirkadda dhismaha ee Al-Buruuj.

  • Soomaliya

    14-05-2025

  • 06:24PM