Mareykanka oo duqeyntii saddexaad ka fuliyey Galmudug

Image
Weerarkan dhanka cirka ah ayaa laga soo wariyey u dhexeeeya degaanada Qaycad iyo Hareere Dheere. [Photo: FA]

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa Axada maanta ah waxay duqeyn ka fuliyeen gobolka Mudug, sida ay shaacisay Wasaaradda amniga maamulka Galmudug.

Sida ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, weerarka dhinaca cirka ah ayaa ka dhacay aagga u dhexeeeya Qaycad iyo Hareere Dheere oo todobaadkii hore howlgalka noocaan ah laga soo wariyey.

Bayaanka wasaaradda oo lagu faafiyey ciwaanka gaarka ah ee Facebook ayaan lagu soo bandhigin khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo tiradda dagaalameyaasha Al-Shabaab ee ku naf-waayey.

"Dagaal iyo duqayn dhanka cirka ayaa ka socota saldhig kale oo kooxda argagixisada Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qaycad iyo Hareere Dheere, ayadoo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda galeen saldhigga la duqeeyey," ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Duqaynta saakay ayaa noqonaysa tii saddexaad oo deegaanada koofurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo argagixisada Shabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar".

"Dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa waxaa si wadajir ah uga qeybgalaya ciidamada Qaranka ee kala duwan, kuwa Galmudug, naftood hurayaasha deegaanka iyo diyaaradaha maraykanka," ayaa lagu soo xiray.

Tan iyo markii xafiiska uu la wareegay Joe Biden, duqeymaha ciidamada ayaa si weyn hoos ugu dhacay sababo la xiriira isbedel dhanka siyaasada howlgalada oo uu sameeyay maamulkiisa wallow buuq uu ka jiro. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM