Mareykanka oo hawada mariyey hanjabaad la xiriirta doorashooyinka

Image

WASHINGTON, US - Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka ayaa dirtey fariin hanjabaad ah kuna saabsan doorashooyinka ka qabsoomaya qaarada Afrika kuwaasoo wadamada ay ka dhacayaan ku jirto Soomaaliya.

Mike Pompeo, wasiirka wasaaradan oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyada ay leedahay in coddeynta ay noqoto mid ka fog nooc walba oo wax is-dabamarin ah.

Sidda laga soo xigtay qoraalka madaxa diblumaasiyada Mareykanka, xukuumada Washington ayaa si aan laab-laab lahayn waxay talaabo uga qaadeysaa "kuwa isku dayaya in ay wiiqaan dimuqraadiyadda".

"Mareykanka waxaa ka go’an inuu taageero doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo ay ku jiraan doorashooyinka ka dhacaya guud ahaan Afrika. Kama waaban doonno inaan tixgelinno cawaaqibka - oo ay ku jiraan xaddidaadda fiisaha - ee kuwa wiiqaya dimuqraadiyadda," ayuu yiri.

Mareykanka ayaa kamid ah damaanad-qaadeyaasha in uu dhaqan-gelayo heshiiska doorashooyinka 2020-21 ee madaxda Soomaalida ay caasimadda Muqdisho ku kala saxiixdeen bishii lasoo dhaafay ee September.

Heshiiskaas ayaa xeerinaya in Xildhibaanka koowaad ee baarlamaanka 10aad la dooran doono 1-da December, halka guddoonka labada aqal iyo madaxweynaha loo coddeyn doono 8-da Janaayo illaa 8-da Febraayo.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, balse dowlada waqtiga kasii dhacayo oo ka gaabisay fulinta hal-beegyadii lagu aadi lahaa waxay dhalisay in dib loogu laabto doorasho dadban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM