Mareykanka oo ka hadlay duulaanka DF ee Gedo iyo xaaladda Soomaaliya

Image

NEW YORK, USA - Dowlada Mareykanka ayaa markii ugu horeysay si adag kaga hadashay xaaladda Gedo iyo ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku qabsatay magaalooyin ku yaalla gobolka.

Isu-duwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa sheegay in aan la aqbali karin ciidamada milateriga ee sida siyaasadeysan ay dowladda Soomaaliya ugu daadgureysay Gedo, kuwaasoo xaalad colaadeed ka abuurey gobolka.

Isagoo ka hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Rodney Hunter wuxuu shaaciyay in tallaabada dowladda qaadey ay weecineyso dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga iyo xasilinta Soomaaliya.

Mas'uulkan ayaa xusay in 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaama ay dooneyso in ay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka Qaranka iyo sidii ciidmaada Soomaaliya ay AMISOM uga la wareegi lahaayeen mas'uuliyadda amniga dalkooda.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay khilaafka Dowladda iyo maamul goboleedka Jubaland, isagoo ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu si deg deg ah usoo afjaro duulaanka lagu qaadey gobolka Gedo, oo horey xasilooni iyo nabad uga jirtay.

Rodney ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo inay wada-shaqeeyaan dowladda  iyo maamulada, si looga mira-dhaliyo hadafka 2020 iyo in meel looga soo wadajeesto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo khatar ku haysa amniga qaranka.

"Horumar walba oo laga gaaro dhinacyada amniga, siyaasadda, deyn cafinta ay udub dhexaad u tahay iskaashi ay yeeshaan Dowladda Federaalkaiyo maamul goboleedyada," ayuu yiri Rodney Hunter.

Mareykanka ayaa bedelay siyaasadiisa Jubaland, iyadoo wafdi uu horkacayay safiirka Mareykanka Donald Yamamoto oo uu wehliyo taliyaha AFRICOM ay Kismaayo kula kulmeen Madaxweyne Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM