Mareykanka oo ka jawaabay "in ay maamule ka dileen shirkada Hormuud"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay wararka sheegaya in ay maamule sare ka dileen Shirkada Isgaariinta Hormuud.

Maxamuud Xaaji Salaad, sarkaalkii ugu sareeyay laanta shirkada ee Jilib, ayaa la xusay laba gantaal lagu dhuftay isagoo beertiisa ku sugan, galabnimadii Isniinta, 25-ka Febraayo.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daboolka ka qaadey in Salaad uu kamid ahaa xoogaga argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Shirkadda Hormuud ayaa xaqiijisay in uu shaqaalaheeda kamid ahaa Salaad, balse waxay beenisay in uu xubin ka ahaa maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

"Wuxuu tan iyo aas-aaskii shirkada uu kamid ahaa shaqaalaheena. Balse xubin kama ahayn kooxda," sidaas waxaa warbaahinta gudaha u sheegay Cadnaan Xaaji Cali oo Hormuud ka tirsan.

Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa kasoo xigatay taliska AFRICOM in ay baarayaan sheegashooyinka ku saabsan in ay dileen maamule sarre oo kamid ahaa shirkadda Hormuud.

Sheegashooyinka ku saabsan dilka Xaaji ayaa kusoo aadaya iyaddoo dhowaan Mareykanka uu liiska argagixisada ka saarey Al Barakaat, oo mataano lahayd Hormuud Telecom Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM