Mareykanka oo ka warbixiyey duqeymo uu ka fuliyey Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Mareykanka ayaa xaqiijiyey in Axadii, 29-ka December, 2019, uu saddex duqeyn ka fuliyey koonfurta Soomaaliya.

Laba kamid ah duqeymaha oo laga soo wariyey degaanka Kuunya Barow ayaa lagu khaarijiyey afar dagaalame, waxaana lagu burburiyey laba gaari.

Sidoo kale, duqeynta saddexaad oo laga fuliyey tuulada Cali Barow ayaa lagu naf-gooyey laba kamid ah maleeshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaaicda.

Labada goobood ee duqeymaha ay ka dhaceen ayaa hoostaga gobolka Shabeellaha Hosoe ee ka tirsan maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in duqeymahaan xubnaha lagu khaarijiyey ay kamid yihiin "horjoogeyaal sarre".

Dhinaca kale, Al-Shabaab wali kama jawaabin sheegashada howlgaladan ay si wadajir ah u fuliyeen Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka.

Duqeymahaan ayaa u muuqanaya kuwa looga jawaabayey qaraxii Ex-kontarool Afgooye ee lagu dilay ku dhowaad 100 ruux oo arday Jaamacadeed u badnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM