Mareykanka oo ka warbixiyey duqeyn uu la eegtay Al-Shabaab

Image
Howlgalkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 396 KM dhanka Waqooyi Bari kaga aadan caasimada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in duqeyn ay Isniintii shalay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen laba kamid ahaa maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, howlgalkan ayaa tuulo ku dhow magaalada Xarardheere oo qiyaastii 396 KM dhanka Waqooyi Bari kaga aadan caasimada Muqdisho.

AFRICOM oo sheegtay in weerarkan dhanka cirka ah ka fuliyey kadib codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in illaa haatan aysan jirin waxyeelo shacab oo ka dhashay.

"Mareykanka ayaa kamid ah dhowr waddan oo dowladda Federaalka ku taageera ololaha lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaankan uu arkay Garowe Online.

Sabtidii todobaadkan ayay ahayd markii taliska AFRICOM uu shaaciyey in duqeyn ay ka geysteen duleedka magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud ay ku dileen in ka badan 30 kamid ahaa Al-Shabaab.

Howlgalkaas ayaa qeyb ka ahaa ka jawaabida guluf ku bilowday qaraxyo gaari iyo weerar toos ah oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay ku ekeeyeen fariisinka ciidanka ee degmadaas.

Galcad iyo Xarardheere oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug ayaa kamid ah goobihii ugu dambeeyay ee ciidamadda huwanta ah ay ka saareen Al-Shabaab loona diyaarinayo maamulka iyo adeeg dowli ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM